Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay 4 qodob oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay jeediyey khudbad dheer oo Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Ilaalinta madaxbanaanida dalka, dagaalka Khawaarijta iyo hambalyada munaasabadda ciida uu uga hadlay.

Hambalyada ciidda ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku bilaabay hadalkiisa, “Waan hubaa in dalka, diinta ay u soo duceeyeen dadka Soomaaliyeed ee soo cibaadeystay bishii barakeysneed ee Ramadaan, Allaha noo aqbalo ducadooda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Intaas kadib madaxweynaha ayaa galay ka warbixinta xaaladda guud ee dalka, isagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inuu ka tago dhaxal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed ay ku xusuusa doonaan.

Dagaalka Khawaarijta, wuxuu sheegay madaxweynuhu in dowladda Soomaaliyeed ay awooda isugu geystay kana dhabey doonto in kooxdaas saaxada laga tirtiro, “Dadka Soomaaliyeed dagaal meel ka dhacay ayey ciidankii ku jabeen yeysan ku niyad jebin, dagaalku guul iyo jab waa leeyahay, waxaana guuleysa doonaa,” ayuu yiri.

Dhanka siyaasadda, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in siyaasad qaloocatay ay halkaan dhigtay Soomaalida, isla markaana uu ku howlan yahay sidii loo toosin lahaa oo loogu cag dhigi lahaa siyaasadda Soomaaliya, iyadoo qorshahaas saldhig looga dhigayo dastuurka dalka.

“Inaan guuleysano waxay u baahan tahay dhiiranaan, hadaan ku jirno hebel waxaan ma ogola, waxaba ma qabsa kareyno, talo iyo dood siyaasadeed ayey maanta noo joogtaa, aan wada hadalno waxna ku heshiino ayaan maanta mareynaa waana heer fiican oo aan soo gaarnay, waana ka sii hor mareynaa insha allaah,” ayuu Xasan Sheekh hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyin, isagoo dadka Soomaaliyeed ka balan qaaday mar kale uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah, taas oo dastuurka dalka uu waajib ka dhigayo.

“Afarta cutub ee dastuurka la ansixiyey dabar adag ayey naga furtay. Yaan la is wareerinin dalkaan doorasho qof iyo cod waxaan aheyn kama dhici doonto. Anigoo Xasan Sheekh ah ayaa balan qaaday dadku ha diyaar garoobaan, hadii aan xunahay ha iska kaana hor wareejiyeen, qofkii ay ku qanacsan yihiina ha doorteen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhowr iyo labaatan daqiiqo ah jeediyey.

Hoos ka daawo