27.9 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Daawo: Mahad Salaad oo ku dhowaaqay go’aan ka farxiyey reer Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo shalay si rasmi ah ua wareegay xilka ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo farxad-geliyay shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Ugu horreyn Mahad Salaad ayaa xusay in diiradda uu saari doono sugidda amniga, isla markaana uu wax ka qaban doono xaaladda ay hadda wajaheyso caasimadda, isaga oo ballan qaaday inuu gaashan doono maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka.

“Anigga oo ku tashanayo garab istaagiinna waxaan mudnaan gaar ah siin doonaan sugidda amniga caasimadda oo u dub dhexaad u ah xasilloonida dalka, waxaan si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaa maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku dhowaaqay in la furi doono waddooyinka xiran ee Caasimada,  si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, taas oo farxad-gelisay reer Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa carrabka ku dhuftay in qorshihiisa koowaad ee qayb ka tahay fududeynta isku socodka shacabka, si looga dul-qaado culeyska ay dareemayaan.

“Waxaan kale oo aan ka shaqeyn doonaa isku furidda magaalada iyo fududeynta isku socodka shacabka, si looga hortago xayiraadaha dhaq-dhaqaaqa ee laga maarmi karo” ayuu mar kale yiri agaasimaha cusub ee hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab, isaga oo shaaca ka qaaday inuu sii laba jibaari doono, si looga horteggo dhagarta kooxaha Khawaarijta

“Kooxaha Khawaarijtu waa halis qaran oo u baahan in looga hortego si istaraatiiji ah wadajir ah sidoo kalena joogta ah” ayuu mar kale yiri Mahad Maxamed Salaad.

Soo laabashada Mahad ayaa muujinaysa in shaqadiisa dib loo qiimeeyay, wuxuuna mar kale hantay kalsoonida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii dib loo qiimeeyay xaaladda amniga oo meel xun gaartay.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay, oo 15-ka May oo ay haatan u buuxsantay saddex sano, waxa uu beddelay Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda Qaranka. Soo celinta Mahad ayaa sidoo kale ka dhigan inuu Madaxweynaha dib usoo celiyay saddex kamid ah afartii Taliye ee uu hore xilka uga qaaday.

Si kastab ha’ahaatee, isbeddellada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku sameynayo Wasaaradaha Difaaca, Arrimaha Dibadda, Amniga iyo Talisyada Ciidamada ayaa mar walba hakad gelinaya horumarka dagaalka lagula jiro argagixisada, iyagoo sidoo kale abuura firaaqo shaqo oo ay ka faa’iidaystaan kooxaha argagixisada ah.

- Advertisement -

Read more

Local News