Daawo: Markab uu soo diray Ruushka oo soo gaaray Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab sida shixnad gargaar oo dhan 25 kun tan oo Qamadi ah, isla-markaana ay soo dirtay dowladda Ruushka ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya, isaga oo kusoo xirtay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan ballaaran ee ka timid Ruushka ayaa waxaa la wareegtay dowladda Soomaaliya, ayada oo munaasabad kooban oo ka dhacday dekedda ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay gargaarkan.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti iyo Soomaaliya Ambassador Mikhail Alekseevich Golovanov, kaas oo ka warbixiyay deeqdan, wuxuuna tilmaamay inay tahay mucaawino ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ee haatan ku dhuftay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tani ay astaan u tahay saaxibtinadii soo jireenka ahayd ee ka dhexeysay dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Ruushka iyo madaxweyne Vladimir Putin, isaga oo sheegay in deeqdan ay tahay tii ugu weynayd ee hada soo gaartay dalka oo ay ka jiraan xaalado adag.

“Deeqdan waa tii ugu weynayd oo maalmahaan soo gaartay Soomaaliya waxay nooga timid dowladda Ruushka waxaan rabnaa inaan u mahadcelino dowladda Ruushka oo uu safiirka  wakiil ka yahay iyo madaxweynahooda garashadooda ay u garteen Soomaaliya oo hadda  xaalad adag ay ka jirto inay usoo diraan gargaar 25 kun oo tan oo Qamadi ah oo gaaraysa 500 oo kun oo kiish oo min 50 kiilo garaam ah” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu yiri “Wax weyn weeye, xilli saacaddaan ay dadka Soomaaliyeed wajahayaan daadad iyo fatahaado burburiyay magaalooyin, buundooyin saameeyay dad laba milyan bar ah, ayna barkaceen malyan iyo boqol kun dad ku dhow, ay dhinteen 100 qofood”

Fiqi ayaa xaqiijiyay in deeqdan la gaarsiin doono maamul goboleedyada iyo degmooyinka ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag ee ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka.

“Waxaan rabnaa inaan deeqdan la gaarno dadka ay hadda daadadka saameeyeen iyo fatahaadaha sida ugu dhaqsaha badan dowlad goboleedyada kala duwan iyo degmooyinka kale sida ay u kala dhibaato badan yihiin” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Gargaarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka yimaada Ruushka, waxaana sidoo kale la filayaa in mar kale uu December soo diro, kaas oo isna sida 25 kun oo tan oo Qamadi ah.