Xamza oo ka Jawaabay “ma hubtaa in Xasan aad isla dhamaysanaysaan” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada xeebeedka Kismaayo ee xarunya kMG ka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo sidoo kale su’aallo uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaaladaasi, kadib kulan uu la yeeshay.

Xamza ayaa arrimaha wax laga weydiiyay waxaa kamid ah xiriirka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo haddii uu xaqiijin karo inay isla dhameysan doonaan muddo xileedkooda.

Ra’isul wasaaraha ayaa si daah-furay uga jawaabay su’aashaasi, wuxuuna sheegay in kaliya uu xaqiijin karo inay sii jiri doonto saaxibtinimadooda oo soo bilaabatay kahor kursiga, balse aanu hubin in ay sii wada joogayaan xafiiska inta uga hartay waqtigooda.

“Mustaqbalka Ilaaahey SWT ayaa og oo garanaayo waxa dhacayo, laakiin hal uun-baan u hubaa saaxibtinimadeenu way jiraysaa, haddii aan kursiga ku kala tegno xitaa waan sii ahaaneynaa saaxibo” ayuu uga jawaabay su’aashan ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aniga taan hubo inay jirayso waa tan saaxibtinimada, laakiin kursiga ma ogi”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay saaxibtinimadooda iyo halka ay kasoo bilaabatay, maadaama ay soo wada shaqeeyeen kahor siyaasadda iyo hadda oo ay yihiin madaxda sare ee dalka.

“Horay madaxweyne Xasan Sheekh iskuma baranin kursiga, kahor ayaan saaxibo ahayn siyaasadda inaan isla soo galno ayaan saaxibo ku ahayn” ayuu mar kale yiri Xamza.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla markaana la hadal haayo dood weyn oo ka dhalatay wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya, ayada oo la doonayo in meesha laga saaro xilka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaam cusub oo madaxweyne iyo madaxweyn ku xigeen ay markii ugu horreysay yeelaneyso Soomaaliya.

Si kastaba, inta badan waxaa dhacda inay is qabtaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taas oo keenta in ugu dambeyn meesha laga saaro wasiirka koowaad, sida horay u dhacday marka leego muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh iyo tii Farmaajo.