Kenya Airways oo ka laabatay arrintii muranka dhalisay ee duulimaadyada Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Kenya ee Kenya Airways ayaa ka laabatay qoraal muran badan dhaliyey oo ku saabsan dib u bilaabidda duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi.

Qoraal kaas ayey Kenya ku sheegtay inay duulimaadyada Muqdisho-Nairobi dib u billaabeyso 14-ka Febraayo 2024, balse qiimaha ticket-ka uu yahay $1050, taasi oo hadal hayn badan ka abuurtay baraha bulshada.

Qoraalkaas ayey hadda ka laabatay shirkadda, waxaana qoraal cusub oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ay ku sheegtay in qiimaha duulimaadka uu ka billaabanayo $420.

“Waanu idin dhegaysanay, waanu idin daryeeleynaa. Laga billaabo 14-ka Febraayo 2024, uga duula Nairobi-Muqdisho, saddex mar todobaadkii si aan kala joogsi lahayn Kenya Airways, Isniin, Arbaco iyo Sabti kasta. Ku raaxayso qiimaha gaarka ah ee ticket-ka ka billaabanayo oo ah $420. Hadda gooso,” ayey shirkadda ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

Dib u billaabidda ayaa imaneysa kadib markii duulimaadyada la hakiyey bishii August ee 2020, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Madaxa dhanka ganacsiga iyo macaamiisha ee Kenya Airways Julius Thairu ayaa sheegay in tallabadani ay daba socoto ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu hanweynahay in aan dib u yagleeli karno isku xirka Muqdisho iyo Nairobi iyada oo ay sahleyso KQ. Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, si aan uga wada shaqayno sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.”

Dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo ballan-qaadka looga gol leeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay shirkadda gacan uga geysato horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay saddex bil kadib markii Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo dhinaca duulimaadka ah, taasi oo xoojin u ah shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo dadaal ugu jirtay in ay duullimaadyo ka bilowdo Soomaaliya.