Daawo: Maxaa iska bedelay go’aanka shacabka degan xaafadda Dab-damiska?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir ayaa maanta deggan, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhexeysay dadka deegaanka iyo Booliska oo doonayay inuu ka raro halkaasi.

Amarka kasoo dowladda ayaa ku ekaa maanta oo ah 20 April, si loo raro shacabka, balse dib ayaa loo dhigay illaa amar dambe, kadib dadaallo uu sameeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Kaariye (Qoor Qoor) oo ku baxayt xiisaddaas, si loo qabojiyo.

Qoor Qoor oo la hadlay shacabka ayaa sheegay in aan maanta la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.

“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Xaaladda xaafadda Dab-damiska ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah noloshooda u watay shacabka deggan halkaasi, ayada oo meesha ay ka baxday xiisaddii la filayay inay dhacdo, sababo la xiriira isbeddaka ku yimid fulinta amarkii dowladda dhexe.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dareenkooda iyo waxa isbeddelay, kadib dib u dhigidsa barakacintooda, waxayna sheegeen in go’aankoodii uu weli sidiisii yahay, ayna ka guuri doonin dhulka Dab-damiska ee magaalada Muqdisho.

Oday kamid ah dadka deegaanka ayaa ku dooday in aysan heysan dhul kale iyo wax ku guuraan, ayna ku dhimanayaan guryahooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga dad masaakiin ah ayaa nahay waxba ma haysano hal mooto ma kireysan karno inaan ku dhimano oo ku baaba’no ayaa danteena ku jirtaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale odey kale oo kamid ah shacabka degan halkan ayaa sheegay inay isku dhaarsadeen in aysan ka guurin xaafadda, illaa ay qorshe u sameyneyso dowladda.

“Shacabka meeshaan deggan haddii aan nahay waan isku dhaarsanay inaanu hal qof ka guurin xaafadda ha yimaadaan ama yeysan imaan” ayuu yiri oday kale.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga dad qaxooti ah ayaa nahay mana naqaano meel aan u guurno”.