Daawo: Maxaa ka jira inay fashilmeen wada hadalladii Nairobi ee S/L & P/L?

Nairobi (Caasimada Online) – Warar soo baxayay ayaa sheegaya in wadahadal ku dhexmari lahaa magaalada Nairobi dawlada Somaliland iyo dawlad goboleedka Puntland ay fashilmeen kadib markii wasiiro ka imaanlahaa Somaliland aanay soo gaarin Nairobi .

Wadahadalada ayaa waxaa fashiliyay kadib socdaalkii madaxweeyne Kuxigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire kaasi oo ay Somaliland ka xumaatay.

Hadaba wareeysi  lala yeeshay Khaliif CiiseMudan Wasiirka Amniga Dawlad goboleedka Puntland  ayaa waxa uu ku yiri “waa muhiim in aan danaheena kawada hadalno balse waxa auu diiday jiritaanka wadahadalo rasmi ah”.

Wareysiga ayaa waxaa qaaday weriye Xasan Cadde oo ka tirsan dhacdooyinka maanta, halkan hoose ka daawo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.om