Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan ay shalay magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa xilka Xildhibaanimo looga qaaday laba Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka.
Labada Xildhibaan ee xilka laga qaaday ayaa waxa ay xilkooda ku waayen dhaliilo dhanka shaqada ah oo ay u jeediyeen Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe.
Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa si rasmi ah loo go’aamiyay inay waayen xilalkooda kadib dhaliisha ay u jeediyeen Hogaamiyaha maamulka.
Xildhibaanada xilalka waayay ayaa Hogaamiyaha ku eedeeyay inaanu daacad ka aheyn howlaha uu u hayo maamulka, isla markaana uu ka macaashayo kheyradka deegaanka ee uu la wadaago dowladaha deriska la ah maamulka.
Dhaliilaha Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali ayaa waxaa kamid ahaa in Maamulka Jubbaland uu noqday mid aan baahin oo ku soo koobnay xuduudaha Kismaayo.
Dhaliisha uu xilka ku waayay ayaa waxaa kamid ahaa in Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dadka u adeegsado ciidamo ku heeb ah.
Waxa uu sheegay inaanu jirin qalbi jileec haba yaraatee ku jira Hogaamiyaha maamulka, waxaana dhaliishaasi xigay xil ka qaadis.
HOOS KA DAAWO Xil. CABDULQADIR OO KA XOG WARAMAAYA XAALADA JUBBALAND