Xildhibaano is baheystay oo carqalad ku haya guddoomiye Taabit

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit Cabdi uu qaati ka taagan yahay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanadani oo Seddexdii maalin ee ugu danbeysay ku sugnaa Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka muujinaaya hanaanka maamulka uu u qeybiyay Degmooyinka.

Xildhibaanada qaar ayaa dadaal ku bixinaaya in wax laga bedelo degmooyinka qaar, halka qaarna ay soo jeedinayaan in Degmadooda loo magacaabo shaqsiga ay iyaga wataan.

Xildhibaanada qaar ayaa aad u dhaliilsan Guddoomiyayaasha uu magacaabay Tabit Cabdi kuwaa oo lagu eedeeyay inaysan aqoon u laheyn howsha ay hayaan.

Xildhibaanada ayaa dalbanaaya in Guddoomiyaha Gobolka Tabit uu la imaado dib u daraaseyn waxa ayna ka biya diidan yihiin ilaa afar Guddoomiye Degmo oo aan magacaabidooda munaasib aheyn xiligaani, sida ay qabaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit Cabdi, ayaa ka biya diidan inuu wax ka bedelo go’aanka magacaabida, waxa uuna tilmaamay in Wasaarada arrimaha Guddaha ay la qabto go’aanka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda labada Gole ee DFS ayaa ku caanbaxay faragalin iyo carqaladeyn ay ku sameeyan maamul waliba oo goortaa dhisan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com