Daawo muuqaalka qaraxii Muqdisho iyo xog cusub oo ku saabsan (Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhimatay halka dad ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay suuqa Kalluunka oo uu ku dhowyahay Suuqa Qaadka ee Xaafadda Kaawo Godeey.

Gaadiidka Gurmadka Deg degga ah ayaa goobta ka qaaday dadkii ku dhaawacmay iyo Meydadkiiba,waxaana la geeyay Isbitaallada.

Goobjoogayaal ku sugan goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee Dharkenley ay qabteen Ninka waday Gaariga qarxay, oo ka horta inta uusan qarxin ay Ciidamada dowladda qabteen.

Goobjoogaha ayaa sheegay in Ninka la qabtay ay Ciidamada ka shakiyeen islamarkaana mar laga fogeeyay uu gaarigu qarxay halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Gaariga walxaha Qarxa siday ayaa ciidamada amniga ku joojiyeen bar-kontarool oo ku taalla xaafadda kaawo Godey ee degmada Wadajir, halkaasi oo markii dambe uu ku qarxay.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada amniga.

Ciidamada ammaanka ayaa ninka ay qabteen waxa ay ula dhaqaaqeen mid ka mid ah xarumahooda baarista, si sharciga loo horgeeyo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen dilalka iyo falalka kale ee ammaanka ka baxsan.

Halkan ka daawo Muuqalaka Qaraxa