Daawo: Muuse Suudi Yalaxow oo kashifay dhibaatooyin badan oo lagu hayo Soomaalida Xujeyda ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa ka hadlay arrimaha xajka iyo lacagaha tirada badan ee Xujeyda Soomaaliyeed laga qaado iyo sida loo kala goosto.

Muuse Suudi Yalaxow, waxa uu sheegay in dadka doonaaya inay xajiyaan ay la darisaan dhibaatooyin badan, hase ahaatee ay meesha ka maqan tahay doodii labada Gole looga fadhiyay inay ka keenaan dhibaatada ay tabanayaan dadka xajka doonaaya.

Muuse Suudi Yalaxow, waxa uu si dadban u weeraray mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowlada iyo kuwa wakiilka uga ah dalka Sacuudiga.

Qaar badan ayuu sheegay inay dhexda u fadhiyaan dhaqaalaha ay wataan Xujeyda, hase ahaatee waxaa caqabad ku ah kuwo kale oo kasoo horjeeda dhaqanka ceynkaasi ah.

Arrin xaaran ah ayuu ku sheegay in la niyad jabiyo dadka doonaya inay xajiyaan, waxa uuna ku baaqay in dhibka laga dhaafo xujeyda.

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee ku shaqada leh howlaha Xajka ayuu ugu baaqay inay qaadan talaabo lagu badbaadinaayo hantida ay wataan xujeyda.

HOOS KA DAAWO MUUSE SUUDI OO KA SHIFAYO ARRIMO BADAN