Daawo: Muxuu Muuse Biixi ka yiri doorashadii Xasan?

Hargeysa (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xuska 18-ka May oo ah markii ay ku dhowaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay arrimo dhowor ah iyo doorashadii Xasan Sheekh.

Biixi ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday qaddiyadda Somaliland, wuxuuna ku eedeeyey Soomaaliya inay weli diidan tahay inay helaan aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha ayaa xusay Somaaliya ay aaminsa tahay in Somaliland ay weli tahay gobol iyaga ka mid ah, sida uu ku dooday.

“31 sanadood oo aynu kala maqneyn 1991-kii illaa maanta walaaladeyn kama aynaan helin wax garowshiyo ah kama aynaan heli wax gar qaadasho ah waxay isku raacsan yihiin dhammaantood inaanu nahay gobol ka mid ah oo aan xor sheegan karin,” ayuu yiri Biixi.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday doorashadii Madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Teendhada Afisyoone, isla-markaana mar labaad xilka loogu doortay Xasan Sheekh.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo inay si nabad ku dhacday doorashadaasi, isla-markaana ay talada isku dhiibeen labada Madaxweyne.

Sidoo kale wuxuu ugu duceeyey Madaxweynaha cusub inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

“Madaxweynaha shalay doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada Madaxweyne ee gacanta isku dhiibay aad iyo aadbaan usoo dhoweyneynaa in Ilaahey idin barakeeyo oo sidaas ku wadaan waan idin kuugu soo duceyneynaa,” ayuu markale yiri Madaxweyne Biixi.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland uu boggaadiyey doorashadii Afisyoone, una hambalyeeyey Xasan Sheekh.