Daawo: Muxuu Xaadoole ka yiri isbeddalka amniga Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbeddalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho, isaga oo bogaadiyay hay’adaha amniga ee ka shaqeeya degmooyinka gobolka Banaadir.

Xaadoole oo khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa ayaa qiray in ciidamada ay shaqeeyeen, ayna wax badan ka qabteen dhibaatooyinkii amni ee ka jiray caasimada.

“Dhammaan jawiga Muqdisho waa isbeddalay dadka magaaladaan ku nool ayaan kamid ahay markaan sii soconno iyo markaan soo soconnaba qarax baa dhici jaray” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Hadda subaxdii markaan soo baxaayo waxaan arkaa askar taag taagan wadada war askartaas u duceeya oo u hambalyeeya oo niyadda u dhisa”

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale farriin u diray hay’adaha amniga, wuxuuna ugu baaqay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga.

“Iyagana laamaha amniga waxaa laga rabaa inay dadaalka sii wadaan, haddii ay yihiin Boolis, Nabad Sugid iyo Maamulka Gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri Xaadoole.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo soo jeediyay in la taageero ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Ugu dambeyn waxa uu soo dhaweeyay qaadista cunaqabateynta hubka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay wax badan ka tari doonto soo afjarida kooxda Al-Shabaab.

Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo howlgallo ka socdaan dalka, kuwaas oo lagula dagaalamayo Shabaab, waxaana iska kaashanayaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.