Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo weli ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa farriin culus kasoo diray, taas oo ku aadan maalinta aas aas-ka ciidanka Xoogga dalka ee 12-ka April.
Taliye Odowaa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, taas oo ku aadan xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan.
“Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa guud ahaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sanad guuradii 65-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii ciidanka Xoogga dalka, waxaan runtii aad iyo aad ugu hambalyeynayaa, uguna boggaadinayaa ciidamada maalintooda gaarka ah, iyaga qoysaskooda, waxaan leeyahay hambalyo” ayuu yiri Taliye Odowaa.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidanka Xoogga dalka ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku boggaadiyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro guud ahaan dalka.
“Runtii argagixisadu waxaa naf la-caari waxay marayaan meel gabogabo ah waxaan rabaa xubin kasta oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed dadaalkeeda iyo waqtigeeda inay laba jibaarto, sii adkeyso la dagaallanka argagixisada” ayuu raaciyay.
Waxaa kale oo uu u mahadceliyay ciidamada dib u xoraynta deegaanka oo iyagana door wayn ka geystay dagaallada adag ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta.
”Waxa aan halkan uga mahadcelinayaa ciidamada difaaca deegaanka doorka naf-hurka ah ee u hurteen naftiina dalka iyo sharafteenna” ayuu mar kale yiri Odowaa.
Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay dagaalka ku garab istaagaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee halganka adag ugu jiro sidii maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saari lahaa dalka.
“Waxa aan leeyahay dadka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidankooda, waxaynu dagaal kula jiraa argagixiso caalami ah” ayuu ku daray Taliyaha ciidanka Xoogga dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa diray hambalyo tan lamid ah oo ku aadan xuska 12-ka April.
“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah” ayuu isna yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid.