Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Jimcihii wasiir u magacowday Getachew Reda, hoggaamiye hore oo fallaago ahaa kana tirsanaa maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, kaasoo dhowaan xilka laga qaaday. Tallaabadan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay sii huriso kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee ka jirta gobolka woqooyi ee dalka.
Gobolka Tigray weli wuxuu la daalaa-dhacayaa dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii laba sano socday, kaasoo lagu soo afjaray heshiis nabadeed oo lagu gaaray 2022, isla markaana horseeday dhismaha maamul ku-meel-gaar ah.
Dagaalkaasi wuxuu noqday mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan qarnigan, iyadoo qiyaas ahaan ay ku dhinteen illaa 600,000 oo qof. Dagaalka wuxuu dhaxmaray jabhadda Tigray iyo ciidanka federaalka Itoobiya oo ay garab siinayeen maleeshiyaad maxalli ah iyo ciidanka Eritrea.
Getachew Reda ayaa xilka laga qaaday horaantii bishan, waxaana lagu beddelay hoggaamiyaha Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Debretsion Gebremichael, kadib khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay hogaanka TPLF.
Hase yeeshee, Jimcihii shalay, Addis Ababa ayaa Getachew u magacowday “La-taliye sare oo u qaabilsan Ra’iisul Wasaaraha arrimaha Geeska Afrika, iyadoo la siiyay darajada wasiirnimo”, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta X (horey Twitter).
Getachew oo 50 jir ah, ayaa horey u soo qabtay xilka Wasiirka Warfaafinta illaa inta aanu xilka la wareegin Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed sanadkii 2018.
Mehdi Labzae, oo ah khabiir Itoobiya u jooga Xarunta Qaranka ee Cilmi-baarista Sayniska ee Faransiiska, ayaa sheegay in magacaabista Getachew ay tahay “khiyaano dhab ah oo khatar u ah sii kordhinta kala-qaybsanaanta gobolka, ha ahaato heer siyaasadeed ama heer bulsho.”
“Getachew Reda wuxuu wali leeyahay taageero ballaaran, saamayn buuxdana waa uu ku leeyahay gobolka. Waa la arki doonaa waxa xiga,” ayuu yiri Labzae oo la hadlay AFP.
Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika, ayaa isna qiray in magacaabistan ay sii kala fogeyn karto dhinacyada siyaasadda gobolka. “Magacaabista Getachew waxay sii xoojineysaa kala-qaybsanaanta, xilli gobolka uu wali ka soo kabanayo colaaddii dhiigga badnayd,” ayuu u sheegay AFP.
“Waxaa lagu eedeyn doonaa inuu dhabarka u jeediyay Tigray, isagoo haatan la safanaya cadowgii hore,” ayuu intaas ku daray.
Inkasta oo xaaladda guud ee gobolka ay u muuqato mid degan, haddana hirgelinta heshiiskii nabadeed ee Pretoria 2022 ayaa wali ah mid aan si buuxda loo fulin, taasoo dhashay khilaafyo ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee Tigray.
Khubarada ayaa ka digaya in khilaafaadkaas ka dhex taagan TPLF ay kicin karaan xiisado cusub, iyadoo wararku sheegayaan in bishii hore ciidamo daacad u ah Debretsion ay la wareegeen magaalooyin dhowr ah ayna xilalka ka qaadeen duqyaal uu magacaabay maamulka ku-meel-gaarka ahaa.
Dhinaca kale, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale u muuqda mid qallafsan, iyadoo Asmara lagu eedeeyay in ay taageerayso garabka Debretsion ee ka dhex jira TPLF.