Daawo: Prof. Samatar oo 2 arrin midkood ku sheegay hadalkii ABIY ee mideynta Soomaaliya iyo ETHIOPIA

Hargeysa (Caasimada Online) – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Heshiiska ay Dowlada Somalia la gashay Dowlada Ethiopia.

Aqoonyahan Prof Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in Heshiiska uu yahay mid wanaagsan balse uu kasoo horjeedo mideynta Somalia iyo Ethiopia.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in Heshiiska uu waxbadan ka bedeli doono mandiqada Geeska, waxa uuna shaki galiyay in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu kasoo fagtay erayga mideynta Somalia iyo Ethiopia.

‘’Laba arrin mid bey noqon doontaa in Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu carabka ka dafay erayga mideynta Somalia iyo Ethiopia ama in uu ka damacsanaa inuu sii jeexo jidka leysugu dari lahaa labada dal’’

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in haddalka Ra’isul wasaare Abiy uu wanaagsanaa balse uu ku cayaaray erayga danbe ee ah in labada dal la mideynaayo.

Waxa uu tilmaamay inaanu wax dhiba uusan ka imaan doonin Heshiiska waa haddii loo wajaho qaabka lagu heshiiyay, waxa uuna shaki galiyay in Heshiiska uu kusii ekaan karo si uu u dhacay.

Waxa uu Prof Cabdi Ismaaciil Samatar yiri ‘’waxaan ogahay in dowlada Muqdisho ay tiri waxaas wax kama jiraan taasina ay tahay in waxyaabo badan oo laga hadlay ay yihiin kuwo aan xidido laheyn’’

Sidoo kale, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay inay banaanka usoo bixi doonaan waxyaabo badan oo iminka qarsoon, balse ay mudan tahay in laga dhowr sugo.