25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Daawo: Puntland oo faah-faahin yaab leh ka soo saartay baaritaanka markabka hubka

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadalkii kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku eedeysay in Puntland burcad-badeednimo kula kacday markabka MV Sea World, iyadoo sheegtay in eedeyntaasi tahay mid “degdeg ah oo aan sal lahayn” maadaama baaritaanku weli socdo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani, ayaa akhriyey war-saxaafadeedka oo lagu caddeeyey in Puntland ay la xiriirtay Dowladda Turkiga si markabkan loo marsiiyo hannaan sharci ah kadib marka baaritaanka la dhammeeyo.

“Puntland waxay si rasmi ah ula xiriirtay Dowladda Turkiga, waxayna ku dadaaleysa in markabkan la mariyo waddo sharci ah marka baaritaanku soo gabagaboobo,” ayuu yiri Dabaraani.

Markabkan oo ay ciidamada Puntland qabteen 18-kii Luulyo 2025, ayaa la sheegay inuu siday hub ciidan oo aanay la socon wax badeeco ganacsi ah — taasoo Puntland ku tilmaantay mid ka duwan war-saxaafadeedkii Dowladda Federaalka ee sheegay in shixnada ay ganacsi iyo hub isugu jireen.

“Waxaan caddeyneynaa in dhammaan shixnadda saaran markabka MV Sea World ay tahay agab ciidan (Military equipment), mana jirto wax ganacsi ah oo saaran,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Puntland sidoo kale waxay meesha ka saartay wararka sheegaya in hubka markabka ay bililiqeysteen dad rayid ah oo deggan xeebta Bareeda, waxayna sheegtay:

“Markabka waxaa markii hore arkay kalluumeysato dhallinyaro ah, balse ciidamada Dowladda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan, ayna sugaan amniga iyo hantidii saarnayd.”

Madaxtooyada Puntland waxay si adag u cambaareysay war-saxaafadeedkii kasoo baxay Dowladda Federaalka 23-kii Luulyo, iyadoo tiri:

“Ilaa hadda Dowladda Federaalka ma aysan caddeynin cidda iska leh markabka, halkii laga rabay in baaritaanka la sugo ayey si degdeg ah u soo saartay warar aan sal lahayn.”

War-saxaafadeedka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay la xiriirtay ganacsato reer Muqdisho ah oo sheegtay inay leeyihiin hubka, taasoo Puntland ku tilmaantay mid dhalin karta shaki weyn iyo khatar amni.

“Ilaa laga helo caddayn buuxda oo ku saabsan milkiyadda shixnadda, lama fasixi karo, waana inaan ka hortagnaa in hubku sii huriyo khilaafaadka dalka ka jira,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland waxay hoosta ka xarriiqday inay tahay maamul ka tirsan dowladda federaalka oo waajibaadkiisa u gudanaya si waafaqsan dastuurka.

“Puntland waa maamul-goboleed dastuuri ah, mana jebinayso sharciga. Ficilkeenna wuxuu ku saleysan yahay masuuliyad qaran, ee ma ahan mucaaradnimo siyaasadeed.”

Ugu dambeyntii, Puntland waxay soo dhoweysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay ka qeyb qaataan baaritaanka markabka:

“Puntland waxay soo dhoweyneysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay si wadajir ah uga qeyb qaataan dhammeystirka baaritaanka.”

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News