Daawo: Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadal aysan jecleysan oo kasoo yeeray Koonfur Galbeed

Garoowe (Caasimada Online) – Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud Jibriil oo kamid ah nabaddoonada Puntland ee gobolka Nugaal ayaa si adag uga fal-celiyay hadal ay shalay jeediyeen odayaal ku sugan magaalada Baydhabo.

Odayaashaas ayaa bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ugu baaqay in ay soo qaxaan kadib markii habeen hore dad lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

Nabaddoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka odayaashaas ay ka jeediyeen magaalada Baydhabo oo uu ku tilmaamay mid lagu aflagaaddeeyay sharafta iyo karaamada dowladda iyo shacabka Puntland, maadaama sida uu sheegay aysan jirin wax dhibaato ah oo bulshada ka soo jeeda koonfur Galbeed loogu geystay degaannada Puntland.

Wuxuu sheegay in shacabka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si nabad iyo xorriyada ugu nool yihiin gudaha Puntland islamarkaana ganacsiyo ku haystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato iyo cunsuriyad ah.

Dhinaca kale nabaddoonka ayaa “fool-xumo aan la arag oo la maqal” ku tilmaamay xasuuqii koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay shacab ka soo jeeda Koonfur Galbeed isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay eheladoodu ku dhinteen xasuuqaasi.

Halkaan ka daawo hadalka Nabaddoonka