Kenya oo bad la’aan noqon doonto, haddii Soomaaliya ay uga guuleysato kiiska ICJ

Nairobi (Caasimada Online) – Khubaro dhinaca cilmiga Badda ayaa sheegay, haddii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay u xukunto biyaha la’isku heysto Soomaaliya ay Kenya noqon doonto dal aan laheyn Bad.

Khubarada ayaa sheegay in Kenya ay ku qasbanaan doonto in ay fasax weydiisato dalalka Soomaaliya iyoTanzania, si ay Maraakiibteeda ugu xirtaan magaalada xeebeedka Mombasa.

Shir ay Khubaradani ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxa ay kula taliyeen dowladda Kenya  in ay xalka ka eegto dhanka Diblomaasiyadda, islamarkaana ay hoos u dhigto xiisada haatan ka dhexeysa labada dal.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen haddii Kenya looga guuleysto dacwadan ay u furan tahay fursad kale oo ah in ay wadahadal hoose kala galaan dowladda federaalka Soomaliya.

Dacwada badda ee labada dal ayaa waxaa la go’aamin doonaa bisha September, iyadoo rajo weyn laga muujinayo in Soomaaliya ay ku guuleysan karto kiiskaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in aysan wax gor-gorton ah ka galin doonin kiiska Badda, kaas oo mugdi sii galiyay xiriirka labada dowladood.

Kenya ayaa qaaday tallaabooyin adag, waxaana ay bilowday in cadaadis ay saarto Soomaaliya, kana baxdo heshiisyo ay wada galeen labada dal.

Dadka falanqeeya arrimaha dacwadaha ayaa arrintaN u sababeynaya in uu jiro tuhun ah in Kenya ay ku guul dareysan karto kiiska Badda ee horyaalla ICJ.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com