28.5 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Turkiga oo Soomaaliya ka tijaabinaya gantaal isaga gudba qaaradaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka tijaabiso gantaalkeedii ugu horreeyay ee isaga gudba qaaradaha dhammaadka sanadkan, sida ay warisay Bloomberg, taas oo noqoneysa tallaabo weyn oo Ankara u qaadeyso dhanka awoodda gantaallada riddada dheer.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Yildirimhan, lana soo bandhigay Talaadadii intii uu socday bandhigga difaaca ee SAHA ee magaalada Istanbul, ayaa la sheegay inuu gaari karo masaafo dhan 6,000 oo kiiloomitir. Taasi waxay ka dhigan tahay in qaybo badan oo Yurub ah, Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo qaybo ka mid ah Aasiya ay geli karaan masaafada uu gaari karo.

Bloomberg, oo soo xiganeysa dad xog-ogaal u ah qorshaha, ayaa sheegtay in Turkigu doonayo inuu gantaalka ka rido xarun cusub oo hawada sare ah oo laga dhisayo Soomaaliya, isaga oo ku wajahan Badweynta Hindiya.

Tijaabadaas ayaa Ankara siin karta marin badeed dheer oo ku habboon tijaabinta nidaam noocan ah, maadaama Turkigu ay ku adkaan karto inuu gantaal sidan u fog ka tijaabiyo dhulkiisa, sababo la xiriira ciriiriga hawada, marinnada maraakiibta iyo dalalka deriska la ah.

Soo bandhigidda gantaalka Yildirimhan ayaa ka mid ah tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee Turkigu qaaday isaga oo dhisaya warshad difaac oo madax-bannaan, isla markaana xoojinaya awooddiisa ka hortagga khataraha gantaallada ee gobolka ku soo badanaya.

“Waxaan rumeysanahay inaan u adeegsan doonno oo keliya ka hortag ahaan, balse haddii ay dhacdo inaan u baahanno inaan isticmaalno, cidna shaki yaysan ka gelin inaynu u adeegsan doonno si aan ka laba-labeyn lahayn,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Turkiga Yasar Guler, xilli uu booqanayay bandhigga lagu soo bandhigay nooc ka mid ah gantaalka.

“Waxaan qiimeyneynaa inaan u adeegsan doonno sida ugu waxtarka badan ee suurtagalka ah,” ayuu raaciyay.

Heer cusub oo istaraatiiji ah

Yildirimhan, oo loogu magacdaray suldaan ka mid ahaa Boqortooyada Cusmaaniyiinta, ayaa noqonaya gantaalkii ugu riddada dheeraa ee Turkigu yeesho iyo kii ugu horreeyay ee Ankara si rasmi ah u soo bandhigto oo lagu tilmaamo gantaal isaga gudba qaaradaha.

Gantaallada noocan ah ayaa inta badan lala xiriiriyaa quwadaha nukliyeerka haysta, inkastoo Turkigu aanu haysan hub nukliyeer ah. Ankara ayaa barnaamijkeeda gantaallada u soo bandhigtay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo ku dhisan awood ka hortag oo caadi ah.

Masaafada la sheegay ee 6,000 oo kiiloomitir ayaa Turkiga la simi karta dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo tiro yar oo dalal kale ah oo haysta teknoolajiyadda gantaallada riddada dheer.

Nidaamka Yildirimhan ayaa la sheegay inuu qaadi karo madax dagaal oo culeyskiisu yahay 3,000 oo kiilogaraam, isla markaana uu isticmaalo shidaal dareere ah.

Turkiga ayaa sidoo kale horumariyay gantaallo gaagaaban iyo kuwa dhexdhexaad ah, oo ay ku jiraan Tayfun iyo Cenk, isaga oo ballaarinaya hubkiisa gudaha si uu u yareeyo ku tiirsanaanta qalabka difaaca ee dibadda.

Ankara ayaa hore u kordhisay soo saarista gantaallada Tayfun-1, oo leh masaafo ugu yaraan 560 kiiloomitir ah. Bloomberg ayaa sheegtay in Turkigu sidoo kale qorsheynayo inuu Soomaaliya ka tijaabiyo nooc horumarsan oo Tayfun-4 ah, kaas oo la filayo inuu duuli karo in ka badan 2,000 oo kiiloomitir.

Turkiga ayaa sidoo kale sameeyay gantaalka Cenk, oo la sheegay inuu gaari karo masaafo ku dhow 3,000 oo kiiloomitir.

Marin tijaabo oo Soomaaliya ah

Doorka Soomaaliya ee qorshahan ayaa ah mid hawlgal, balse muhiim ah.

Gantaal laga rido dhulka Soomaaliya isaga oo ku wajahan Badweynta Hindiya ayaa Turkiga siinaya marin tijaabo oo ballaaran, furan, isla markaana ku habboon tijaabinta gantaallada riddada dheer.

Waxay sidoo kale Ankara siin kartaa waddo macquul ah oo ay ku fuliso tijaabooyinka gantaallada fog iyo hawlgallada dayax-gacmeedyada, kuwaas oo ay ku adkaan lahayd inay ka sameyso Badda Madow, Badda Aegean ama Mediterranean-ka.

Bloomberg ayaa markii ugu horreysay shaacisay in Soomaaliya loo qorsheeyay goobta tijaabada, iyadoo soo xiganeysa dad xog-ogaal u ah arrintan oo ka hadlay qorshayaal difaac oo xasaasi ah, lagana codsaday inaan magacyadooda la shaacin.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in mashruuca xarunta hawada sare ee ay la wadaan Turkiga uu yahay mid rayid iyo horumarineed, kuna saabsan sayniska, teknoolajiyadda iyo kobaca dhaqaalaha, balse aanu ahayn mid diiradda saaraya tijaabinta hubka.

“Soomaaliya waxay iskaashigan u aragtaa fursad lagu soo jiidan karo maalgashi, shaqooyin lagu abuuri karo, khibrad farsamo lagu dhisi karo, laguna ballaarin karo iskaashiga teknoolajiyadda dayax-gacmeedyada iyo hawada sare, kuwaas oo taageeri kara isgaarsiinta, la socodka cimilada, waxbarashada iyo horumarka dhaqaalaha,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar, isagoo ka jawaabayay su’aalo ku saabsan qorshayaasha Turkiga.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii December sheegay in Turkigu qorsheynayo inuu Soomaaliya ka dhiso xarun hawada sare ah, iyadoo lagu saleynayo heshiisyo laba geesood ah oo lala saxiixday dowladda Soomaaliya.

“Heshiisyada aan saxiixnay awgood, waxaan qorsheyneynaa inaan Soomaaliya ka dhisno xarun hawada sare ah,” ayuu Erdogan sheegay xilligaas.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in goobta ay Soomaaliya ku taallo ee u dhow dhulbaraha, xeebteeda dheer iyo ciriiriga yar ee hawada iyo badda ay ka dhigayaan meel ku habboon hawlgallada ridista.

Soomaaliya, tijaabada la sheegay waxay ku kordhineysaa lakab cusub xiriirka amni ee Ankara iyo Muqdisho, kaas oo si weyn u xoogeysay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Turkiga ayaa Muqdisho ka furtay sanadkii 2017 saldhiggiisa militari ee ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay, wuxuuna tababaray kumannaan askari iyo boolis Soomaaliyeed ah.

Labada dal ayaa sidoo kale sanadkii 2024 saxiixay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale, kaas oo Ankara ay ku ogolaatay inay Soomaaliya ka taageerto amniga badda iyo ilaalinta biyaha dhulkeeda.

Balse muhiimadda ugu weyn ee tijaabada Yildirimhan waxay ku jirtaa sare u kaca istaraatiijiga ah ee Turkiga.

Haddii tijaabada Soomaaliya ka dhacaysa ay guuleysato, waxay muujin doontaa in Ankara ay isku dari karto iskaashi dibadeed, kaabayaal hawada sare ah iyo teknoolajiyad difaac oo gudaha lagu sameeyay, si ay u gasho heer gantaal oo mar hore u gaar ahaa dalalka ugu awoodda badan dunida.

- Advertisement -

Read more

Local News