Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo la kulmay madaxweynaha dalka Burkina Faso Kabtan Ibrahim Traoré ayaa gaarsiiyay farriin muhiim ah oo uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Fartaag oo haatan booqasho ku ku jooga Burkina Faso ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha guud ee Dowladda dalkaas Kabtan Ibrahim Traoré, isaga oo la wadaagay farriin rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka oo faah-faahiyay booqashadiisa ayaa sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada ay Soomaaliya ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, wasiirka ayaa madaxweyne Ibrahim Traoré kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin la dagaallanka Al-Shabaab iyo la wadaagida Khibradaha ciidan, maadaama ay labada dal wadaagaan caqabadaha argagixisada.
“Labada dowladood Burkina Faso iyo Soomaaliya waxaay wadaagaan caqabado argagixiso, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tababarrada, is-weydaarsiga xogta sirdoonka iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga,” ayuu yiri Fartaag.
Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim ah, isla markaana sare u qaadaya xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashigooda la xiriira la dagaallanka argagixisada.
Kabtan Ibrahim Traoré oo ah hoggaamiye dhalinyaro ah oo awood ku qabsaday xukunka, ayaa ah nin firfircoon oo si weyn saameyntiisa looga dareemay gobolka, wuxuuna marar badan soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan fursadaha ka jira oo ay ugu horreeyo khayraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay.


