Daawo: Puntland oo war ka soo saartay damaca muddo kororsiga, “Deni waa boqor”

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo kulan warbaahineed ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa si yaab leh uga jawaabay su’aallo ay wariyeyaasha ka weydiiyeen waxa ka jira in xukuumadda Deni ay waddo qorshe muddo kororsi.

Wasiirka ayaa su’aasha la weydiiyay u dhigneyd sidan; “Muddo xileedka idin hadhay waa shan billood, aragtida idinka duwan ee mucaaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada qabaan in muddo kororsi ku hoos duugan tahay tallaabadii uu qaaday baarlamaanka. ”

Jawaabta uu wasiirka ka bixiyay oo u muuqatay mid uu isku dhaafinayo inuu si toos ah uga jawaabo su’aashaas ayaa waxa uu weerar ku qaaday wariyihii su’aashaas weydiiyay, isaga oo yiri;

“Sharci aqoon la’aan ayaa ka muuqata adeer, in aad korto ayaa u baahan tahay. Doorasho ayaa lagu tartamay oo xisbiyo ayaa soo baxay, tallada ayay wax ku yeelanayaan ee badow ayaa tahay. Guddiga doorashooyinka ee Puntland ayay galayaan, haggida doorashada guddiga ayaa iska leh dowlad iyo baarlamaan shaqo kuma laha,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale la weydiiyay su’aal u dhigneyd sidan; “Muddo xileed ayay xukuumadda leedahay bal inoo iftiimi mudada ay qaadan karto in la is waafajiyo nidaamka cusub?.”

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku jawaabay; “Marka Guddiga doorashooyinka Puntland la magacaabo weydii oo waxa ku tiraahda intee in le’eg ayaa doorasho ku qaban kareysaan?. Sii hayso su’aashaas yeyna ka fakan.”

“Waa isbeddelay nidaamka, oo waxaa loo guuray qof iyo cod, adeer sharciga baro oo la soco nidaamka dowliga.”

Ugu dambeyntiina waxaa markale la weydiiyay wasiirka “Wasiirka Warfaafinta adiga oo ah sow ma dhinna un in dadka tiraahdo Deni waa boqor caleemo saaray, maadaama aad diidan tahay doorasho in la galo.”

Waxa uu ku jawaabay wasiirka sidan; “Boqornimada miyaa ku haysata? Madaxweyne wuu yahay oo waa boqor dhalasho ahaan, madaxweynaha Puntland ayaa loo doortay isaga masuul ka ah jiheynta siyaasadda, jiho cusub ayuu furay. Marka hadal suuqiga naga daaya muddo kororsi iyo waxa ka sheekeynaysaan.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii