Ceelgaras (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa galabta tegay deegaannada Ceel-Garas iyo Ceel-lahelay, saacado kadib markii maanta ay ciidamadu Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaanka Ceelgaras oo muhiim u ahaa dowladda.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo garabkiisa uu taagan yahay Taliye Mahad Salaad ayaa Ceelgaras kula hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in deegaankaasi uu ka mid ahaa deegaamada ugu muhiimsan ee kooxdu ay ka joogtay Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyey xildhibaanadii iyo askartii maanta ku geeriyootay qaraxa, intii uu socday howlgalka lagu qabtay Ceelgaras, sidoo kale wuxuu farriin u diray beelaha.
“Waxaan baaq u dirayaa beelaha aan weli ka soo qeyb gelin dagaalka, walaalayaal ka soo qeyb gala howlgalka, waan ognahay in caqabad aysan jirin, laakiin waa la kala hor diyaar garoobay, marka yaan loo kala harin halgankaan,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.
Madaxweynaha Galmudug ayaa carrabka ku adkeeyey in dagaalka Al-Shabaab aan maanta lagu fiirsa karin ciidanka qaranka oo kaliya, isagoo beelaha ka codsaday inay abaabul sameeyaan oo ka dhabeeyaan abaabulka uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh oo marti u ah reer Galmudug.
“15 Sano deegaanadii u duleysnaa ayaan maanta joognaa, guul iyo Soomaaliya oo Khawaarij la’aan ah ayaa noo muuqata waana gaari karnaaye yaan la isku fiirsan dagaalkaan uu Madaxweynihii Jamhiuuriyadda u joogo Galmudug inuu hoggaamiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Qoor Qoor.
Qoor Qoor, waxaa safarkaan ku wehliyey Taliyaha NISA iyo Wasiirka Gaashaandhigga, masuuliyiintaan ayaa 3-dii habeen ee lasoo dhaafay ku sugnaa furinta Ceel-lahelay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo saakay ka dhaqaaqay Ceel-lahelay ayaa gudaha u galay deegaanka Ceelgaras oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, halkaas waa isaga baxday kooxdu, laakiin waxay ka buuxiyey miinooyin.
Howlgal miino baar ah ayaa tan iyo maanta ka socday Ceelgaras, waxaana intii uu howlgalkaasi socda miino dishay laba xildhibaan oo ka kala tirsanaa baarlamaanka Galmudug iyo golaha deegaanka Dhuusamareeb, sidoo kale askari ayaa la dhintay labadaas masuul, askar kalena waa dhaawacmeen.
Hoos ka daawo Qoor Qoor