Daawo: R/W Rooble oo war kasoo saaray kiiska Ikraan iyo Fahad oo waqti loo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in warbixintii ay NISA ka soo saartay kiiskeeda aan lagu qanci karin.

Rooble ayaa faray Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin in 48-saac gudahood uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan, wuxuuna sheegay inuu kadib qaadan doono go’aan.

“Waxaan shacabka la socodsiinayaa in markii ay ii soo dhameystiranto xogta aan u baahanahay aan ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas oo aan la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudadii labada bilood aheyd ee kiiskaan uu taagnaa uu si dhaw ula socday arrintaan, islamarkaana uu hey’adda NISA mar hore ka dalbaday in kiiskaas ay ka bixiso xog dhameystiran.

Balse waxa uu nasiib darro ku tilmaamay warbxintii ay hey’addu ka soo saartay kiiska Ikraan. Taas oo uu sheegay in aysan wadan wax cadeymo ah oo lagu qanci karo.

“Waxaan qirsanahay in sida aan habooneyn ee loo mareeyey kiiska Ikraan ay taabatay dareenka dhacabka Soomaaliyeed oo ay abuurtay caro dhalisay in la afduubto mawaadiniin aan waxba galabsan,” ayuu yiri Rooble.