Israel oo Mareykanka siisay digniin la xiriirta Masar iyo Sacuudi Carabiya + Sababta

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha Israel ayaa uga digay dhiggooda Mareykanka inay aad u dhalleeceeyaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Masar iyo Sacuudiga, ayaga oo ka walaacsan in taasi ay dalalkan ku qasbi karto inay xiriir dhow la yeeshaan Iran, Russia iyo China, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Times of Israel.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay wargeyska in saraakiisha Israel ay marar badan u sheegeen maamulka Biden in dhalleeceyn xooggan oo ka dhan ah Masar iyo Sacuudi Carabiya ay saameyn ku yeelan karto dadaal goboleedyada looga hortagayo Iran.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray, in inkasta oo maamulka Biden uu weli sii wado hadallada lagu xoojinayo xuquuqda aadanaha dibedda, haddana “uu illaa hadda ka fogaaday inuu waxyeeleeyo xiriirka Mareykanka ee Qaahira iyo Riyadh.”

Israel ayaa u aragta Masar iyo Sacuudi Carabiya tiirar carbeed oo dhex-dhexaad ah, oo ay dooneyso inay u kaashato loolanka Iran, waxana lagu warramay inay horey ugu ololeysay taageero dhaqaale oo Mareykanka uu siiyo labada dal.

Hase yeeshee, digniinta Israel ee ku saabsan in China ay gobolka kala wareegi karto Mareykanka, ayaa imaneysa ayada oo Israel nafteeda ay kusoo dhowaaneyso Beijing.

Shirkado Shiinees ah, oo qaarkood ganacsiyo la sameeyey Iran, ayaa saami ka qaatay mashruucyo lagu dhisay kaabayaasha oo laga fuliyey Israel, waxayna maal-gashteen shirkadaha taknoolajiyadda Israel.

Khamiistii, saraakiisha Israel ayaa furay terminal cusub oo laga dhisay dekedda Haifa, oo ay maamuli doonto shirkadda ay leedahay dowladda China ee Shanghai International Port Group. 

Terminalkan oo ay kusoo xirtaan maraakiibta dagaalka Mareykanka, ayaa saraakiisha Washington waxay walaac ka muujiyeen in China ay howlgallo basaasnimo ka fulin karto.

Biden ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday inuu Sacuudiga kula xisaabtami doono tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ay gaysteen, oo uu ka mid yahay dilkii Jamaal Khaashuqji. 

Hase yeeshee maamulka Biden ayaa weli joogteynaya xiriirka Washington ee Qaahira iyo Riyadh, oo muhiim u ah howlgallada Mareykanka ee ka hortagga aragagixisada ee gobolka.