Kiiska IKRAAN TAHLIIL: Shan su’aal oo jawaab uga baahan madaxda hay’adda NISA

Maqnaanshaha 70-ka maalmood socday iyo geerida ka danbeysay ee Ikraan Tahliil Faarax oo ay shaacisay Hay’addii ay u shaqeyneysay ee Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxay kicisay mowjado naxdin, tacsi iyo diidmo isugu jira, waxaana ka dhashay su’aalo badan oo kiiskan ku hareereysan.

Kiiska Ikraan wuxuu mar kale bannaanka keenay sida Hay’adii Nabadsugidda Qaranka u noqotay afartii sano ee xukunka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid isu bedeshay Hay’ad lumisay sumcadeedii, horena loo siyaasadeeyay, markii ay faraha la gashay arrimo fadeexado badan usoo jiiday.

Su’aalaha waaweyn ee dul hoganaya Kiiska IKRAAN TAHLIIL FAARAX, weliba u baahan in la ogaado, loogana fadhiyo inay NISA caddeyso waxay kala yihiin:

1- Sidee loo afduubay Ikraan?

Maqnaanshaha Ikraan Tahliil wuxuu soo bilowday markii la waayey habeenkii 26-ka June 2021, sida ay sheegtay hooyadeed. Waxaa soo wacay mid ka mida taliyeyaasha NISA, gaari u soo diray, kadiba ay ka raacday gurigii ay deganeyd oo ku yaalla meel tallaabooyin u jirta Xarunta weyn ee Hay’adda NISA, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Markii ugu War-danbeysay Ikraan waxaa lagu ogaaa hoggaanka Hay’addii ay ka tirsaneyd ee NISA, waxaa laga qaaday goob xiran oo aan la geli karin, ammaankeeda si weyn loo sugo, waxaan telefoonkooda la damiyay iyadoo isla meeshaas ku sugan, arrintan waxay shaki badań ku dhalisay qof kasta, wuxuuna tuhunka saaran yahay NISA.

Sidee afduubka uga dhacay NISA xarunteeda? waa su’aasha aan laga jawaabin ee NISA laga sugayo inay caddeyn ka bixiso, waana arrinta iyadoo aan laga jawaabin, lagu qanci karin wax kasta oo ay kiiskan ka sheegto Hay’adda NISA.

2- Yaa Afduubtay Ikraan?

Waa su’aasha labaad ee furaha u ah kiiska Ikraan Tahliil. Hooyada dhashay Ikraan iyo mas’uuliyiin ka mida beesha ay kasoo jeedo waxay sheegeen in markii ugu danbeysay Ikraan lagu qaaday gaari uu leeyahay nin madax sare ka ah hay’adda NISA.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo marar badan kiiskan ka hadlay, isagoo u muuqday inuu difaacayo Hay’adda NISA, wuxuu caddeeyay in xarunta NISA la geeyay oo la tusiyey Gaariga lasoo geliyey baraha bulshada ee markii ugu dambeysay qaaday Ikraan, lana yaqaan qofkii lahaa gaariga.

Marka baaritaa dhab ah jiro waxaa kiiska laga bilaabaa halkii ay ugu danbeysay markii uu dhacay, waxaa la yaab leh in kiiska Ikraan aan marna lasoo hadal qaadin qofkii soo wacay ee ay gaarigiisa raacday, sida in la qarinayo, waxayna shirkaddii Telefoonada Qoyska u diiday inay siiso lambarkii ugu danbeeyay ee wacay Ikraan.

Su’aashan oo la xiriirta weydiintii koowaad waxay muhiim u tahay in la ogaado sida kiisu ku dhacay ee iyo inuu ku lug leeyahay mas’uul sare oo ka tirsan NISA iyo in kale.

3- Yaa gacan ku lug lahaa afduubka Ikraan?

Haddiiba ay sax tahay in Ikraan u gacan gashay Alshabaab sida ay caddeysay Hay’adda NISA, waxaa ka horeeya su’aal weyn oo hortaalla, taasoo ah: “Yaa Alshabaab u gudbiyey ama gacan ku siiyey Afduubka Ikraan?”.

Su’aashan waxay jawaab u noqoneysaa tuhunka marar badan lasoo celceliyay ee ah inay wada shaqeeyaan ama isku milmeen hay’adda NISA iyo Al-Shabaab, tuhunkaas oo si meesha looga saaro u baahan si dhab ah kiiskan loo baaro, lagana dhaafo siyaasadeynta mucaaradka iyo daboolista madaxda NISA.

4- Sidee lagu xaqiijiyey dilka Ikraan?

NISA waxay markii hore ka gaabsatay inay haba yaraatee ka hadasho kiiska maqnaanshaha Ikraan oo weliba ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda, waxayna in ka badan laba bilood waxaa warbaahinta u taagneyd hooyadeed oo sheegtay in mar kaliya loo geeyay agaasime Fahad Yaasiin, kana soo bixi waayey ballanqaadkii uu siiyay.

Iyadoo sidaasi jirto ayaa warka kaliya ee ay NISA soo marisay Warbaahinta dowladda waxay noqotaya inay Al-Shabaab u gacan gashay, ayna dilden…!!!. Alshabaab ayaa iska fogeysay dilka Ikraan, kuna tilmaantay masabid.

Ma cadda sida Ikraan oo lagu ogaa inay tahay sarkaal NISA ah oo degan xarunta NISA meel u dhow, kaliya loo ogaaday geerideeda, balse aanay jirin xog kale oo laga sheegay maqnaanshaheedii labada bilood ka badnaa.

Haddii aan kiiskan si cad oo daah furan loo soo bandhigin, lagana gun gaarin kaliya ma dhiman doonto Ikraan ee waxaa la dhiman doonta Hay’addii NISA, waxaana dhaawaca ugu weyn gaari doonaa dowladnimadii dib loo dhisayey.

5- Maxaa kiiska Ikraan looga gaabiyay oo loo daboolay?

Inkastoo kiisku yahay mid ku lug leh sirdoon, haddana sida ay NISA u wajahday waxay ahayd mid gaabis ah oo aanay ka muuqan dadaal badan iyo wixii laga fili lahaa hay’ad sirdoon oo sarkaal ka tirsan maqan yahay ama halis ku jiro.

Agaasimaha NISA iyo madaxda Hay’adda, marka lagu daro madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Villa Somalia fadhiya haddii aan kasoo qaadno inaysan wax lug ah ku lahayn kiiskan oo saraakiil kale ka dambeeyeen waxay kaliya oo ay ku badbaadi karaan inay tallaabo cad qaataan oo kiiskan cadaaladda mariyaan, ciddii ku lug lahaydna soo bandhigaan.

Haddii la isku dayo in aamus xal loogu raadiyo Kiiska Ikraan ama la is moogeysiiyo waxaa kaliya ka dhalan doona qalalaase iyo dhaawac weyn oo gaara dowladnimada Soomaaliya, waxayna Farmaajo iyo Fahad ka dhigi doontaa inay dib u celiyaan dowladnimadii dalka ee meesha hoose laga soo bilaabay 20 sano ka hor.

Gabagabo

Tallaabooyinka xalka u noqon kara kiiska Ikraan ee la hadal hayo waxaa ka mida xil ka qaadis, iyo guddi baaritaan madaxa bannaan oo loo saaro, laakiin waxaa xusid mudan in dowlada hadda jirta ay magacawday tobannaan guddiyo ah oo aan wax natiijo ah keenin dhacdooyin iyo shilal qaran oo ka mida ama k aweyn Kiiska Ikraan, meeshiii lagu magacaabayna ku dhammaaday.

Waxaa miiska saaran kalsoonidii yareyd ee hay’adaha dowladda lagu qabay, waxaana cadaalad u baahan saraakiishii dowladda ee laga sugayey inay ka shaqeeyaan amniga dadka, markii ay iyagii amni waayeen. Xalka kaliya waaa Guddi madax bannaan iyo runta oo lasoo bandhigo ciddii ay rabto ha u darnaatee.

Xigasho: Goobjooge.net