Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 7-aad abaal-marisay 1000 macaamiil

Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala joogo guud ahaan Gobolada dalka & Degmooyin ay ka mid yihiin Bardaale,Balan-bale, Guri-ceel ,Hodan, Ceelasha biyaha,Jilib,Aadan-Yabaal Sablaale I.w.m

Todobaadka 7aad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin bajaajyo, laptops, Gasaalado, Fridges, TV screens, iPads, eDahab Cash, Dahab & Hadiyado Dhowr ah.

Munaasabada Macaamiisha lagu abaalmarinayay Todobaadkii 7aad ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Mudanayaal ka tirsan Mas’uuliyiin Ka socday Ururada bulshada ,Jaamacadaha, Ururada haweenka iyo shaqsiyaad can ahan oo Si Wadajir ah U abaalnariyay Guuleysatayaasha Todobaadka 7aad

Dhamaan Mas’uuliyiinta Munaasabada Ka hadashay ayaa si wadajir ah u bogaadiyya Shirkadda Somtel & Sida ay xil iga saartay inay bulshada soomaaliyeed ku celiso daqligii yaraa ay macaamiiisha ka heshay shirkaddanwaa talaabo ku dayasho mudan oo mudan ia la dhiirageliyo

Ugu horeynta waxaa munaasbada ka hadlay Madaxa suuqgeynta somtel Mudane: Axmed Ciise Xaaji oo ku tilmaamay Ololahaan ku shubo oo guuleyso inuu yahay mid dhaxal gal ah

“Waxaan bogaadinayaa Macaamiisha guuleystay kuwa kale waxaan u rajeeynayaa inay sameeyaan ku shubasho Sidaan oo kale loo abaalmariyo waa barnamij u furan dhamaan umada soomaliyeedee ku nool koonfurta & bartamaha Soomaaliya Wxaa gocasho togan oo dareen leh igu reebay Maamada ku guuleysatay Gaariga Hyndai oo aheyd Mamo beeraleey dan yar ah Muujisay Inay aad baahi ugau qabto Hadiyadaan Lama fIlaanka ay ku heshay”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadklay Madaxa  Waaxda Gnacsiga Somtel Mudane: C/laahi Cali Caamir oo ku tilmaamay olalaha ku shubo oo guuleyso Waa Olole Taabagalay

“Ololahan ku shubo oo guuleyso waa barnaamij lagu farxad gelinaayo macaamiisha somtel Hadiyadaha aan ku bixino waa hadiyado wax tar u leh  Oo Macaamiilkii guuleystay xitaa uga faa’ideyn karo ehelkiisa waa hadiyado ka turjumaya rabitaanka & baahida macaamiisha guuleysaneyso waxaan leenahay Somtel awaxaa ka go’an inay xaqiijiso Qanaacada  macaamiisha shirkadda “

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Mudane Axmed Macalin Maxamuud oo ka socday Hey’ada Socdaalka & Jinsiyadaha  Isagoo ku dheeraaday ahmiyada olaha ku shubo oo Guuleyso

“Somtel waa Shirkad Haldoor oo Macaamiisheeda ku celisay 10,000 hadiyadood iyadoo si hufan logu tartamaayo macaamiilka nasiibkiisu wanaagsan sidoo kale sameeya ku shubasho ayey shirkaddu si tos ah u abaalmarineeysaa Marqaati ayaan ka ahay waa barnaamij daah-furan”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadashay  Hani C/kariin  oo ka socotay ururada haweenka 

“Waxaan ku faraxasanahay inaan arko macamiil la abaalmarinayo si gaar ah awaxaan ugu hambalyeynayaa maamadii ku guuleysatay gaariga Hyundai awaxaan rajeeynayaa in Todobaadyada kale Guuleystayaasha hablo inay u bataan si dumarku dowrkoodu umuuqdo”

Ugu danbeyntii Waxaa si wadajir ah oo ugu mahad celiyeen shirkadda isgaarsiinta somtel Guuleeystayaasha Todobaadka 7aad iyago muujiyay dareenkooda b& sida ay ugu faraxsanyihiin inay ka mid noqdaan Macaamiisha La Abaalmarinayo  Todobaadka 7aad

Marwo Sahro Adam Ducaale oo ku guuleysatay bajaaj ayaa u hambalyeeysay Guuleysatayaasha

“waxaan leeyahay dhamaan inta guuleysatayHhambaly Somtel waxaan u rajeeynayaa Guul”

Waxaa sidooo kale shirkadda u mahad-celiyay Ibrahim Cusman Cali oo joogo duleedka Magaalada Muqdisho o kuna guuleystay 10gr o Dahab ah aya isgana bogaadiyaya Somtel

”waxaan leeyahay Somtel ilah ha idiinka ajar siiyo howsha adag aad bushada u heeysaan”

Waxaa isagana dareenkiisa Cabiray Yusuf Farey oo joogo Magalada Bardaale ee Gobalka Baay

“Somtel waxaan leeyahay waa Shirkadda Dadweynaha Waxan rajeeynayaa inay howshaan wanaagsan ay halkeeda ka sii wadaan macaamiisha shirkadda la abaalmariyo xili kasta”

Si kastaba ha ahaatee Ololaha ku shubo oo Guuleyso ee shirkadda isgaarsiinta somtel ayaa si habsami leh uga socda guud ahan dalka soomaaliya iyadoo shirkaddu abaalmarisay mudadii koobneyd ee ololhan socday ku dhawaad 6,000 Macamiil.