Daawo: Ugaaska Beesha Ikraan Tahliil oo sheegay in gabadhooda ay nooshahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ah Ugaaska Beesha Gaaljecel, oo ah Beesha ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil Faarax, ayaa si faahfaahsan uga hadlay kiiskeeda, wuxuuna ku dooday inay weli nooshahay.

Ugaas Cabdiraxmaan ayaa marka hore sheegay in Ikraan ay ka maqan tahay 70 Maalin, islamarkaana wuxuu sheegay inay aheyd gabar aqoonyahan ah oo wax badan kusoo kordhisay hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

Wuxuu umadda Soomaaliyeed iyo Beeshiisa ugu baaqay in la joojiyo tacsiyada loo dhigayo Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in gabadhooda ay nooshahay oo aysan dhiman islamarkaana ay ku tabayaan gacanta Hay’adda NISA.

Ugaaska ayaa sheegay inay fahmi waayeen, islamarkaana ay maskaxdooda qaadan weysay warka habeenkii Jimcaha kasoo baxay Hay’adda NISA ee ahaa in Ikraan ay dishay kooxda Al-Shabaab, taasi oo kooxda ay iska diiday.

“Waxaan aamisanahay in gabadheena ay ku maqan tahay gacanta hey’adda NISA, waxaan filaynay haddii ay dambi gashay waa qof bini’aadam ah in maxkamad lasoo taago, haddii aysan dambi gelina xuriyadeeda la siiyo, balse warka kasoo yeeray NISA waa mid aysan qaadan karin maskaxdeena,” ayuu yiri Ugaas Cabdiraxmaan.

Ugaaska ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuusan hal maalin ka hadlin falka lagula kacay Ikraan Tahliil oo u shaqeeneysay dowladda, wuxuuna sidoo kale sheegay in Farmaajo uu diiday inuu la kulmo, isagoo xusay in isaga adduun iyo aakhiro wax laga weydiin doono.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu sidoo kale ku eedeeyey inuu ka gaabiyey kiiskaan, wuxuuna ugu baaqay Ra’isulwasaaraha inuu arrintaan ka hadlo waxna ka qabto.

Ugu dambeyntii Ugaaska ayaa ku baaqay in la joojiyo afduubka loo geysanayo dadka kasoo jeedo qabiilka Agaasimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin isla markaasna lasii daayo dhallinyarada hadda la xiray isagoo intaas ku daray in Fahad Yaasiin ay la tiigsan doonaan maxkamad.