Xog: Rooble oo laba sabab uga aamusan kiiska Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa illaa hadda ka aamusan afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ay hay’ada sirdoonka Soomaaliya sheegtay in ay dileen Al-Shabaab. 

Waxaa kasoo wareegtay 48 saac markii uu soo baxay warka ku saabsan in la dilay Ikraan, iyadoo ay ka dhasheen falal afduub oo aargudasho ah, kuwaasoo ka dhacay gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. 

Si kastaba, Rooble oo la filayey inuu jawaab siiyo ehellada Ikraan, sidoo kalena dejiyo xiisadda ka dhalatay, ayaa ilaa hadda ka aamusan, waxaana Caasimada Online ay ogaatay in Rooble uu arrintaan uga aamusay laba sabab oo kala ah. 

1- In uu ka aamusay intii ay wax ka qabad laheyd islamarkaana ay hadda gaartay meel aan waxba laga qaban karin, iyadoo sidoo kale kiiska ay ku lug leeyihiin xubno culus, oo ka mid ah dowladda oo aan si deg deg ah go’aan looga qaadan karin, uuna xeerinayo arrimo badan kahor inta aanu go’aan gaarin.

2- In siyaasiin ay wadaan dadaallo qaab siyaasayeed ah loogu xalin lahaa kiiskaan oo gaaray meel adag, iyadoo sidoo kale ay xafiisyada Madaxweynaha iyo Rooble ka socdaan kulamo wadatashi ah. Qorshaha ayaa ah in lala kulmo qoyska Ikraan iyo odayaasha beesha kadibna kiiska loo qirto dowlad ahaan, lana qoyska la siiyo lacag magdhow ah oo ay ku qanci karaan, maadaama gabadhooda aan loo soo celin karin.. 

Dhinacyo kala duwan oo talooyinka qeyb ka ah ayaa soo jeediyay in Rooble cadaadis lagu saarayo xil ka qaadista Fahad Yaasiin, balse ay jiraan culeysyo kale iyagana diidan, kuwaasoo door bidaya in qaab siyaasadeed ah loo xaliyo. 

Saacadaha hore ee galabta ilaa caawa ayaa la filayaa in Xukuumada Soomaaliya ay war ka soo saarto kiiska Ikraan Tahliil oo ah dhacdada ugu weyn ee ka jirta Soomaaliya.