Jeesow oo si ka duwan sidii hore uga hadlay kiiska Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kiiska Ikraan Tahliil uga hadlay si ka duwan sidii uu maalmihii ugu dambeeyey uga hadlayey kadib markii Hay’adda Nabad-Sugidda NISA shaacisay geerideeda.

Jeesow, oo markii hore difaaci jiray NISA, ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii ay Ikraan heli laheyd cadaalad lana caddeyn lahaa cidda dishay maadaama la xaqiijiyey geerideeda.

“Warqaddii NISA kasoo baxday bulshada waa ku qanci weyday, aniga iyo qoyskeedana kuma qancin, 65 maalmood aan NISA ka sugeynay waxay noqotay Al-Shabaab ayaa dilay,” ayuu yiri Jeesow.

Jeesow ayaa tilmaamay inaysan ku qancin warka kasoo baxay NISA, wuxuuna sheegay inaysan illaa hadda garaneyn cidda gacanta ku heyso kiiskaan.

“Kuma qanceyno Shabaab ayaa dilay, Shabaabkiina waa soo hadleen, iyagii ayaa qaadan waayey in la yiraahdo Shabaab ayaa dilay, Hay’adda NISA dib ha isugu noqoto, warcadna hasoo saarto iyo wax lagu qanci karo, mana garaneyno cidda gacanta ku heyso kiiskaan,” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in arrinta ay ka tabanayaan heyadda Nabadsugidda NISA aysan aheyn wax ay ka baryayaan, wuxuuna uga baaqay inay usoo hadlaan si ka duwan sida ay dhawaan sheegeyn.

Wuxuu sheegay in kiiska Ikraan loo saaray illaa laba guddi balse wuxuu tilmaamay in heyadda NISA ay ka hordhacday baaritaanada socday.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xusen Rooble ayuu ugu baaqay inay guddi cusub u magacaabaan kiiskaan si loo helo baaritaan madax banaan oo caddeeya cidda mas’uulka ka ah dilka Ikraan.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Jeesow ayaa ku baaqay in dadka lagu qafaashay magaalada Beledweyne la sii daayo, isagoo dhinaca kale eedeeyay siyaasiyiinta doonaya inay siyaasadeeyaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la kiciyo gadka.