Yuusuf Garaad Cumar oo war kasoo saaray dilka IKRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad oo ah ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu ka hadlay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax oo NISA ay shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.

Yuusuf Garaad oo horey u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu codkiisa ku biirinayo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo ‘dilka’ Ikraan, si looga gun gaaro xaqiiqada jirta, sidoo kalena ay cadaalad u helaan waalidiinteeda.

“Waxaan codkeyga ku biirinayaa in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo Ikraan Tahliil Faarax oo la yiri waa la dilay. Baaritaanka ujeeddadiisu waa in lagu gaaro xaqiiqo wadata caddeyn lagu kalsoonaan karo, si Ikraan iyo Waalidkeed ay u helaan caddaalad, loona dhayo dhaawaca gaaray kalsoonida shacabka,” ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in kiiska Ikraan aan loo waxyeeleyn dad kale oo shacab ah, isla-markaana geysan wax dambi ah.

“Waxaan ku baaqayaa oo kale in dhacdadan murugada leh aawgeed aan waxyeello loo geysan Soomaali aan wax dembi ah galabsan, kuna lug laheyn kiiska Ikraan,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeynergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa tacsi tiraano leh u diray waalidiinta iyo dhammaan dhammaan Ikraan Tahliil Faarax.

“Si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynayaa aabbaheed Dr. Tahliil Faarax iyo hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, abtiyaasheed Cali iyo Shiine iyo adeerkeed Xasan Faarax, oo dhammaantood ah dad aan rafiiq nahay,” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

Tan iyo markii ay hay’ada NISA shaacisay in Ikraan oo lagu la’aa nolol iyo geeri ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada soo baxaya ee lagu dalbayo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadaan, si cadaalada loo waafajiyo.