Daawo: Ra’isul wasaaraha cusub oo ka hadlay go’aanka uu Madaxweynaha ku magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow qabtay Shir Jaraa’id oo uu uga hadlaayo xilka cusub ee uu dhawaan u magacaabay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka aqbalay magacaabida waxa uuna tilmaamay inuu ka shaqeyn doono wixii u kheyr ah dalka.

Xasan Cali Kheyre, waxa uu sheegay in BFS uu ka filaayo inuu ansixiyo magacaabidiisa, waxa uuna ballanqaaday inaanu ka weecan doonin howlihiisa shaqo.

Mar uu ka hadlaayay dhismaha Xukuumada cusub ayaa waxa uu sheegay inuu dhisi doono Xukuumad tayo leh, oo ay ku qanci doonto cid waliba oo dooneysa wanaaga Somalia.