Daawo: Reer Muqdisho oo taageero weyn u muujiyay madaxweyne ERDOGAN

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada beri oo Axad ah ka bilaabineysa dalka Turkiga.

Dadweynahan oo la hadlay Dalsan TV ayaa taageero weyn u muujiyay madaxweynaha talada haya ee Recep Tayyip ErdoฤŸan, kaas oo si dhab ah u garab istaagay Soomaaliya.

Mid kamid ah ragga ka hadlay doorashadaasi ayaa guul weyn u rajeeyay ErdoฤŸan, wuxuuna sheegay in uu abaal lama ilaawaan ah u galay shacabka Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed ma illaawi karto Turkiga, madaxweyne ErdoฤŸan abaalka uu u galay iyo himilada uu u hayo, sidaas darteed annaguna waan ogsoonahay, waanu garab taaganahay, ilaaheyna waxaan ka baryeynaa inuu guusha siiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kaleย Cabdi Xaaji Cilmi (Xaiib) oo kamid ah reer Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab istaageyso madaxweyne ErdoฤŸan, isaga oo sheegay in guushiisa ay muhiim u tahay Soomaali weyn, maadaama uu taageeray xilli ay aad ugu baahnaayeen.

“Aniga oo Soomaaliya codkeeda ku hadlayo mid iga maqan iyo mid ila joogaba waxaan leeyahay Ilaahow ErdoฤŸan guuley, waxaan u arkaa inay guushiina dan noogu jirto. ErdoฤŸan waa nin Islaam ah waa nin wax na taray, waa nin noo hiiliyay” ayuu yiri Cabdi Xaaji Cilmi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxtar ayuu noogu beddalay, waxbaanu ka faa’iidnay daawo noo keenyayaa nin jiran aan u qaadnayaa arday jaamacad ka baxyaa mid halkan ka baqay oo cararay iska tegyay oo ku nasayayaa oo ku badbaadyaa,”.

Sidoo kale oday kale oo kamid ah shacabka la hadlay Dalsan TV ayaa yiri “Libaax labo ma’aha shacabka Soomaaliyeed ErdoฤŸan ayay codka siinayaan oo ay taageerayaan,”.

Si kastaba, Recep Tayyip ErdoฤŸan oo ah madaxweynaha ugu awoodda badan dalka Turkiga welina talada haya, ayaa dagaal adag kula jira mucaaradka, oo isaga doorashada dhaceysa beri ay si adag ugu loolamayaan, waxaana kamid ah ragga ay is hayaan Kemal Kilicdaroglu.

- Advertisement -

Read more

Local News