Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan uu ka dhacay deegaanka Libikus oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu weerarkan qaaday, iyaga oo ka falcelinayay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa halkaasi.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan lagu dilay illaa laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qayb ka ahaa xubnaha weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayid ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan.

Waxa kale oo uu Mareykanka xusay inay ka go’an tahay inuu sii wadayo la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago weeraradooda.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay Soomaaliya dagaal adag kula jirto kooxda, kaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan, isla-markaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqolaal ah ay ka joogaam gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, ayada oo la filayo inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka adag ee Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan.