XAMZA oo magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray wareegta uu ku magacaabay guddi heer wasiir ah oo sidoo kale lagu soo daray guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban siddeed xubnood ayaa ah Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka, waxayna magacaabistooda daba socota qaraar ay Khamiistii an ansixiyeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya

“Iyadoo laga duulayo qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo saareen 11-koo bishan May 2023 oo ku saabsana adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka iyo Maareynta Hantida Guud ee Qaranka ayaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa maanta waxa uu magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood oo ah Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday R/W Xamza.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu yiri  “Ra’iisul wasaaruhu marka uu arkay qodobka 99-aad iyo qodobka 100-aad ee dastiirka KMG ah, isla-markaana uu arkay muhiimadda ay leedahay badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka ee ay lahayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya kahor 1991-kii iyo marka uu tixgeliyay baahida loo qabo in la magacaabo guddi ka shaqeeya howshaasi waxa uu magacaabay xubnaha sideeda ah ee soo socda”.

1-Mudane Abshir Cumar Huruuse wasiirka arrimaha dibadda xubin, 2-Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur wasiirka maaliyadda xubin, 3-Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi wasiirka ganacsiga xubin, 4-Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir wasiirka howlaha guud xubin, 5-Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha goobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho xubin, 6-Mudane Dr. Cismaan Cilmi Guuleed Garyaqaanka guud ee qaranka xubin, 7-Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) wasiiru dowladaha madaxtooyada xubin iyo 8-Mudane Xirsi Jaamac Gaani wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xubin.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in soo celinta hantida qaranka loo kala hormarinayo sida loogu baahanyahay in loogu shaqeeyo dadweynaha Soomaaliyeed

“Soo celinta hantida qaranka waxaa loo kala hor marinayaa ayada oo la tix-gelinayo baahida loo qabo in lagu fuliyo adeegyada bulshada,” ayaa mar kale lagu yiri qoraaka.

Maxaa kamid ah shaqooyinka loo xil-saaray guddiga:

Waajibaadka qaran ee loo xil-saaray Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka ee uu maanta magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa kamid ah:

1- Tirakoobka hantida hay’adaha dowladda, sida wasaaradaha, hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda iyo dowladaha hoose

2-Soo celinta hantida qaranka ee sida sharci darrada ah loo haysto

3- Qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida qaran ee la tirakoobay

4-Kasoo tala bixinta nidaaminta hantida qaranka ee lasoo celiyay iyo sida ugu haboon ee loo adeegsanayo ugu adeegidda bulshada

5-Usoo gudbinta ra’iisul wasaaraha warbixin dhammeystan ee geeddi socodka soo celinta hantida qaranka.