Daawo: Rooble oo codsi u gudbiyey Qalbi Dhagax kadib markii uu xaal-mariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maanta qaabilay Halgamaa Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa ka dalbaday cafis ku aadan gabood-falkii ay xukuumad Soomaaliyeed kula kacday.

Rooble ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxdii hore ee qeybta ka aheyd dhiibistii Qalbi Dhagax ay dalka joogan, islamarkaana aysan garawshiyo ka bixin gabood-falkaas foosha xun.

“Waxaa ka codsanaya in uu na cafiyo, waan ka xumahay in madaxdii iga horeysay ay waddanka joogaan oo weli aan laga hayn raali-gelin, aniga oo ku hadlaya magaca xukuumadda hada joogta waxaa leeyahay walaal soo dhawoow, waa ka raali-gelinayna oo dalkaaga Hooyo ayaa joogta,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabooyin badan ay xukuumadiisa u qaaday sidii uu Halgamaa Qalbi Dhagax iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF, sidii dib looga noqon lahaa dambigii ay xukuumaddii hore ka gashay.

Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa galabta kasoo dagay magaalada Muqdisho, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaadaha ee Aadan Cadde, afar sano iyo bar kadib markii cadowga loo gacan geliyey.

Qalbi Dhagax ayaa afar sano iyo siddeed billood ka hor laga dhoofiyay isla garoonka maanta sida heerka sare ah loogu soo dhaweeyay, xiligaasi oo isagoo indhaha ka xiran loo gacan geliyay cadowga Ethiopia, ayada oo ay dhiibtay xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay xiligaas in laga laabto go’aan ay gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo Soomaaliya ay ururka ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso.

Sidoo kale waxa uu Golaha sheegay inay khalad aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax ee loogu gacan galiyay dowladda Ethiopia.