Xog: C/casiis Lafta-gareen oo baadi-goobaya murashax u noqda qorshe labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo ku sugan Muqdisho ayaa wada kulamada uu la qaadanayo murashaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamada uu Lafta-gareen la yeelanaayo murashaxiinta ayaa ah kuwo ka raadinayo murashax uu ku kalsoonaan karo oo uu taageero maadaama maamulka Koonfur Galbeed xildhibaanada ugu badan baarlamaanka laga soo doorto.

Lafta-gareen oo taageersan Farmaajo ayay wararku sheegayaan inuu ka niyad jabay qaabkii ay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka u dhacday, isagoona murashaxii uu waday oo sidoo kale ay taageersaneyd Villa Somalia laga adkaaday, taasi oo ku qasabtay inuu raadiyo qorshe labad.

Musharaxii Lafta-gareen ee looga adkaaday guddoonka golaha shacabka Xasan Cabdinuur, ayaa la sheegay inay Villa Somalia uga digtay inuusan gadmeyn balse uu diiday, taasi oo labada dhinacba soo istaajisay meel cidlo ah. 

Niyad jabkaasi ayaa sababay in Lafta-fareen uu murashaxiinta ka raadiyo mid uu kalsooni ku qabo oo uu ku taageero xildhibaanada maamulkiisa uu soo saartay, haddii aanu Farmaajo awood badan muujin wareegga koowaad ee doorashada.

Warar Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in suuragal tahay in Lafta-gareen uu heshiis la gaaro mid ka mid ah murashaxiinta si uu u taageero, waxaana laga yaabaa in murashaxaasi uu noqdo Xasan Sheekh Maxamuud ama Shariif Sheekh Axmed.

Lafta-gareen ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxweyne Shariif iyo Xasan Sheekh, waxayna isla soo qaadeen dhameystirka doorashada oo 15-ka May oo balansan yahay in la doorto madaxweynaha cusub.

Inkasta oo Lafta-gareen uu labada musharaxba la kulmay, haddana wararku waxay sheegayaan inuu isaga ku kalsoon yahay Xasan Sheekh, balse ay Villa Somalia aad u diidan tahay Xasan Sheekh, kuna cadaadineyso inuu musharax kale ka fakaro, si gaar ahna Shariif.

Si kastaba, ma cadda halka uu Lafta-gareen raaci doono, waxayna isugu iman dootaa inuu dantiisa eegto ama uu Villa Somalia qanciyo.