Ahlu Sunna oo dagaal ku qaaday Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay dagaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ku dhexmaraya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogagga Ahlusunna oo soo weeraray Magaalada.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sidoo kalena Gaadiidka dagaalka ee Cabdi Billaha ay wataan labada dhinac ee dagaalamaya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Dowladda ee Gorgor iyo Haramcad ay dagaalka kubiireen,  kuwaas oo doonaya inay Magaalada ka saaraan dhinacyada ay kasoo galeen Ciidamada xoogagga Ahlusunna.

Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka saartay qaar kamid ah Ciidankeeda iyo kuwa Federaalka oo wata Gaadiid Dagaal saacado kahor in aanay gudaha u galin ciidamada ka amar qaata Sheekh Shaakir.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Duullaanka ku qaaday Dhuusamareeb ayaa muuqaal uu iska soo duubay xili la maqlayay rasaas xooggan oo ka dhaceysa agagaarka goobta uu muuqaalka isaga soo duubay ayaa sheegay in ay gacan ku dhigeen qaybo kamid ah Magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka Dhuusamareeb Cabdi Xaashi oo dhankiisa muuqaal kooban iska duubay ayaa sheegay in ay iska caabbiyeen Ciidanka ka amar qaata Sheekh Shaakir ee duullaanka ku qaaday.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamay, inkastoo aan tiro sax ah weli la heyn.