DF oo war kasoo saartay geerida madaxweynihii Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid, oo ahaa 73 jir muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid, sidoo kalena ahaa amiirka Imaaraadda Abu Dhabi oo kamid ah toddabada Imaaradood ee dalkaas uu ka kooban yahay.

“Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid, madaxweynihii Imaaraadka Carabta oo geeriooday maanta oo Jimce ah,” ayuu yiri.

“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa qoyska marxuumka, dowladda Imaaraadka shacab iyo hoggaanba, Shucuubta Carabta iyo Islaamka, geerida Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid oo ka mid ahaa haldoorka iyo hoggaanka Ummadda Carabta iyo Islaamka.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ku manneysto, ehelkiisa, shacabka imaaraadka iyo guud ahaan ummadda Islaamkana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Sida uu dhigayo dastuurka, madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum oo xukuma Imaaradda Dubai ayaa sii hayn doona xilka madaxweynaha illaa inta ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku kulmayaan golaha faderaalka oo ka kooban madaxda toddobada Imaaradood, si ay u doortaan madaxweyne cusub.

Khalifa waxa uu dhashay 1948-kii, wuxuuna xukunka Imaaradda Abu Dhabi iyo tan madaxweynaha dalka qabtay 2004. Waxaa xukunka Abu Dhabi kala wareegi doono ku-xigeenkiisa, ahna walaalkiisa ay isku aabaha yihiin Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Mohammed bin Zayed ayaa ahaa hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta tan iyo markii Khalifa uu ku dhacay cudurka faaliga ama stroke 2014.