Sawirro: Mareykanka oo qorsheynaya inuu saldhig ku yeesho magaalada Berbera

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay  magaalada Hargeysa kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayay Jeneral Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaana wafdigaasi ka mid ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in madaxda labada dhinac ay ka wada hadleen ballaarinta iyo tayeynta iskaashiga Somaliland si la mid ah dowladdaha xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo waafaqsan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxay booqasho ku tageen garoonka diyaaraddaha ciidamada cirka ee Berbera, halkaasoo ay qiimeyn ku sameeyeen sanadkii hore.

Africom ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in booqashada iyo qiimeynta wafdiga Mareykanka ay qeyb ka tahay dadaalada joogtada ah ee lagu qiimeynaayo goobaha suuragalka ah in ciidamada Mareykanka ugu diyaar garoobaan xaaladaha lama filaanka ama deg dega ah ama in la howlgeliyo marka loo baahdo.

Mareykanka ayaa ka fakaraya saldhig cusub oo uu ku yeesho Geeska Afrika, oo aan aheyn kan Jabuuti, xilli uu ka xun yahay in dowladda Jabuuti ay saldhig ka siisay dalkaas dalka Shiinaha oo ay Mareykanka xifaaltamaan.

Muuse Biixi ayaa wafdiga Mareykanka uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, isagoo sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dhinac.