Caqabadaha horyaalla madaxweynaha la dooran doono ee SOOMAALIYA

15-ka bishan May 2022-ka, waxaa loo madlan yahay qabashada doorashada madaxweynahii 10-aad ee ay Soomaaliya yeelato taasoo sida laga dheehan karo xambaarsan xiiso iyo xamaasad aad u sareysa oo xoogiisa uu kasocdo hotelada magaalada Muqdisho, saxaafada maqalka, muuqaalka iyo qoraalka ah, iyo baraha bulshadaba. Doorashadan waxaa u taagan musharaxiin tiradoodu gaarayso 40 musharax oo iskugu jira madaxweynayaal hore, rug-cadaayo siyaasadeed, aqoonyahano caan ah iyo kuwokale oo ku cusub seexada siyaasada.

Inkastoo aysan isku miisaan aheyn musharaxiinta tartameysa, hadana wey adag tahay in la saadaaliyo shaqsiga kusoo bixi kara waqtigan taasoo loo asteyn karo maadaama aysan doorashadu aheyn mid qof iyo cod ah oo suuragal kadhigi laheyd in ra’yi aruurinta dadweynaha lagusii ogaado saadaasha musharaxa ama musharaxiinta ugu horeeya laakiin wali waxaa jira musharaxiinta qaar ku badan hadal haynta dadweynaha hadana sida lafahmi karo inta badan halbeega taageerayaasha kama mar-na danno shaqsi, mid qabaa-il iyo is-kooxeysi. Marka laga tago howsha adag ee ololaha ama xiisaha looqabo kursiga iyo dabaal-daga madaxweynaha ay guushu raaci doonto waxaa kuhor-gudban caqabado waaweyn oo looga fadhiyo inuu kasoo dhalaalo mudo 4 sanno ah gudahood kuwaasoo marka la barbar-dhigo kheyraadka uu helikaro oo ka kooban waqtiga, dhaqaalaha, dadka la shaqeynaya iyo taageerada beesha caalamka culeyskeeda leh.

Meelaha miisaanka leh oo hadii si fiican wax looga qabto horseedi kara horumarka waxaa kamid noqon kara laakiin aan ku koobneyn qodobadan hoos ku xusan:

a. Hubinta magacaabida xilalka qaranka: dabcan sidaan horey uga baranay madaxdii hore, waxaa hadaba madaxweynaha la dooran doono ku xeeran qaraabo, saaxiibo iyo siyaasiin farabadan kuwaasoo guushiisu tahay guushooda, doonaayana in lagu abaalmariyo xilalka qaranka. Kooxahan ayaa iskugu-jira qeyb leh aqoon iyo waaya aragnimo ay ku gutaan masuuliyadooda iyo qeyb-kale oo ka aradan aqoonta, waaya aragnimada iyo aragtida dowladnimo, hadana  doonaya xilal. Madaxweynaha la dooran doono waxaa la gudboon inuusan xilalka qaranka ku abaalmarin qof aanan gudan karin, waana meesha uu fashilkiisu kabilaaban karo hadii uusan midaas kutusaale qaadan. Waa inuu dareemi karaa in laheli karo dad badan oo kasoo dhalaali kara xilalka dowladnimada hadana aan qeyb ka aheyn ololahiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisaba. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay madaxweyne garashadiisu gaarsiisan tahay in dowladnimada lawada leeyahay ujeedkuna yahay u adeeggida qaranka ee uusan aheyn qancinta qof ama koox gaar ah. Dalkani waxuu u baahan yahay madax dhaliisha iyo canaanta suuban (constructive criticism) u dhaga-nugul islamarkaana dabaqa halku dhigii ahaa ‘listen more to those who criticise you but less to those who praise you; waxbadan u dhaga nugloow kuwa ku dhaliilaya, laakiin waxyar dhageyso kuwa ku-amaanaya. Sababtoo ah, kuwa wax amaana waxaa muuqooda iyo codkooda la maqlaa xiliga guusha iyo macaashka balse markuu fashil imaado waxuu kugaar yahay madaxda xiligaas, halka midka ku dhaliilaya uu doonayo wanaaga iyo toosinta waxa aad wada leedihiin.

b. Arrimaha amniga: madaxweynaha la dooran doono, waxuu/waxay madaxweyne kanoqon doonaa wadan u burburay heer dowladnimo, heer bulsho, heer deegaan, heer qoys iyo heer shaqsi intaba taasoo qofka muwaadinka gaarsiisay inuusan amnigiisa shaqsiga ah ku aamini karin kuwa la dhashay, kuwa lanool ama dariska la ah. Waxaa looga fadhiyaa abuurida kalsoonida luntay ee shacabka iyo qeybaha ciidamada qaranka oo dhinac kasta dhinaca kale ka qabo cabsi iyo shaki waxyeelo ah. Waxaa looga fadhiyaa amni aanan magaalo iyo deegaan gaar ah ku koobneyn oo si siman u wada gaara dalkoo dhan. Waxaan kaa-sugeynaa amni markahore kal-soonidiisa laga arko masuuliyiinta dowlada oo hubka iyo baabuurta faraha badan lagu ilaalinayo ee magaalada buux dhaafiyay. Amni aanan ku tiirsanayn dhagaxaan  iyo dhalinyaro xili aanan munaasab aheyn inta guryahooda loogu dhaco,  indhaha lagaxiro laguna tilmaamo howl-gal amni. Waxaan lagaa sugayaa abuurida jawi amni oo kudhisan isla-xisaabtan oo mudnaantiisa uu leeyahay shacabka balse aanan adiga rabitaankaaga iyo qanaacadaada shaqsiga ah ku dhisnayn.

c. Arrimaha bini,aadannimada: madaxweynaha la dooran doono, waxaan khiyaasayaa inuu ka warqabto warbixinada hay’adaha Qaramada Midoobay ee tilmaamaysa in muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaareysa 5 milyan oo qof ay wajahayaan cunto yari aad u ba’an, kadib markii ay burbureen ilihii ay noloshooda kutiirsaneyd sida xoolaha, beeraha iyo ganacsiga yar-yar kuwaasoo intooda badan ka barakacay deegaanadii ay asal ahaan kunoolaayeen daruuftuna bidday inay dulsaar iyo dawarsi kunoolaadaan. Waxaan meesha ka mar-neyn in tiro 2 milyan oo kale ay xaalado qaxootinimo ugu noolyihiin dalalka deriska ah. Dadkaan dhibanayaasha ah waxay kamid yihiin kuwa kitaabka loogu dhaaranayo. Waxaa sidookale lagaa dhowrayaa inaad mudnaan weyn siiso dabagalka iyo xisaabinta dhaqaalaha faraha badan ee lagusoo qaado xaalada bini’aadannimo ee dadkan iyo halkuu ku danbeeyo.

d. Dhameystirka dastuurka iyo yag-leelida maxkamada dastuurka: shaki kuma jiro inay adag tahay in xal laga gaaro in Soomaaliya hesho xasilooni awoodaha siyaasada ah iyo xeerinta wadaagga kheyraadka iyo canshuuraha dalka ilaa laga dhameystiro dastuurka dalka lana dhiso maxkamadda dastuurka si hab sharci ah loogu xaliyo khilaafaadka awoodaha siyaasada ah. Hadaba madaxweynaha la dooran doono, waxaa looga fadhiyaa inuu dalka ku jaheeyo dhabe sharci ah oo aanan 4 sanno kadib xal laga raadin waxii loogu magac daray ‘Golaha Wadatashiga’ oo aysan shaqsiyaad gacanta u galin masiirka ummuda Soomaaliyeed. Dalkaan, dadkiisa iyo aduunkuba wey ka daaleen madax danno shaqsi ah kashaqeysa, madaxweynaha soo socda waa inuu maanka galiyaa inuu 4 sanno kadib hoos harsan doono waxqabadka mudo xileedkiisii. 

e. Kor u qaadida wax-soosaarka iyo dhaqaalaha: marka laga tago dadka kooban ee kunool magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Kismanyo, Garoowe, Dhuusamareeb, Baydhabo, Jowhar iyo kuwa lamidka ah oo dhaqaalohoodu kutiirsan yahay ganacsiga, canshuuraha la qaado iyo shaqo abuurka kooban ee hay’adaha caalamiga ah, waxaa meesha ka baxay inta badan magaalooyinkii iyo tuulooyinkii kale ee wax soosaarka lahaa ayadoo xooggii dhalinyaro ee deegaanadaas ay daruuftu kuqasabtay inay kasoo hayaamaan ayagoo dulsaar ku ah magaalooyinka aan kor kuxusnay ama tahriibay. Arrintaan ayaa keentay hoos u dhac weyn oo wax-soosaarka beeraha ah, waana sababta uusan dallaga dalku iskugu dheeli tirneyn ama u dabooli karin baahida dadka Soomaaliyeed iskaba-dhaaf in la dhoofiyo. Xaalufinta deegaanka, roob yari iyo daaq la,aan sababtay burburka noloshii xoola dhaqata ayaa sidookale saameyn dhaqaale keentay. Madaxweynaha la dooran doono waa inuu la imaadaa indho arki kara meel kabaxsan dhal-dhalaalka Muqdisho iyo magaalooyinka fara kutiriska ah, soona nooleeyaa tiirarkii ilaha dhaqaalaha ummada Soomaalidu dhaqanka u laheyd.

f. Yag-leelida hanaan cadaaladeed: bulsho waxaa wada deeqa cadaalad iyo sinnaan meelaha laga daalacan karana waa hufnaanta addeega garsoorka iyo maxkamadaha dalka. Dabcan madaxweynaha la dooran doono kama dhaga la’ tabashada muwaadiniinta ee dhanka garsoorka, waana mid u baahan sixid iyo tayeen dhinacyo badan ah.

Gunaanad

Culeysyada ku hor-gudban madaxweynaha la dooran doono fari kama qodna oo waxaa kamid noqon kara dar-dar galinta arrinta deyn cafinta, abuurida qorshaha siyaasada arrimo dibadeed oo aanan gabi-dhacleynayn, xal u helida arrinta Al-shabaab, xoojinta adeegyadii aas-aasiga ah, taabagalinta bixitaanka ciidamada ATMIS iyo kuwa kale. Waxaa suuragal ah inaysan ummada Soomaaliyeed oo dhan kuwada amaani doonin laakiin u reeb dhaxalka maamul wanaagsan oo u sahasha madaxda kugu xiga inay wajahaan culeys kayar kuwa aad adigu wajahi doonto sababtoo ah xigmad ayaa aheyd; a leader is only successful when his/her successor succeeds (hogaamiyaha guushiisa waxay dhameystiran tahay oo laga marag kacaa marka madaxda uu xilka kuwareejiyo ay guuleeytsaan oo miraha guushiisa gurtaan).

W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed
Facebook: Hamdi Wardhere