Sawirro: Guuleed oo ka haray tartanka doorashada una tanaasulay CC SHAKUUR

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Guuleed uu u tanaasulay islamarkaana taageeray hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir.

Tallaabada uu qaaday Guuleed ayaa ku timid cadaadis xooggan oo kaga yimid madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda beesha Habar-gidir, iyo xaqiiqda ah in ololihiisa doorasho uu ahaa mid aan saldhig adag laheyn.

Kulanka uu ku dhacay tanaasulka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Cabdikariin Guuleed, Cabdiraxmaa Cabdishakuur, Axmed Qoor Qoor, Senator Cabdi Qeybdiid, iyo saddex xildhibaan oo kale oo kasoo jeeda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray kadib kulanka ku yiri “Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey C/kariin Xuseen Guuleed oo ii tanaasulay si guul looga keeno tartanka doorashada madaxtinnimada. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, xikdhibaanmada, Senatorrada, odoyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatada hawshaas qaybta ka ahaa.”

Guuleed ayaa lagu warramay in tanaasulka ka sokow uu hadda si xooggan uga shaqeyn doono sidii uu taageero ugu raadin lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo isaga naftiisa rajadiisa aysan sidaas u weyneyn.

Musharaxiinta ugu cadcad doorashada ayaa la rumeysan yahay inay kala yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre, mana cadda haddii tanaasulka Guuleed uu taas wax ka beddeli doono, sarena usoo qaadi doono Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, isbaheysiga Guuleed iyo Cabdiraxmaan ayaan waxaa inta badan qeyb ka aheyn xildhibaanada beesha Habargidir, oo badankood ah laf dhabarta ololaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, waxayna ka maqnaayeen inta badan kulanka.

Si kastaba, tanaasulka Guuleed wuxuu tusaale u noqon doonaa musharaxiin badan oo aan rajo laheyn balse caqabad ku noqon kara fursadaha musharaxiinta ku beesha ah, si gaar ahna kuwa beesha Abgaal.

Beesha Abgaal ayaa ah tan ugu musharaxiinta badan balse waxaa la rumeysan yahay inaysan intooda badan rajo laheyn marka laga reebo labadii madaxweyne ee hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.