Daawo: Rooble oo gurigiisa ugu tegay Imaamka, kana raali-gelyey dhacdadii shalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf,  oo shalay lagu tasaaseeyey magaalada Muqdisho. 

Rooble ayaa ugu horeyntii raali-gelin ka siiyay Imaamka Mudullood falkii ay shalay kula kaceen ciidamo ka tirsan kuw Soomaaliya, xili uu marayay xabsiga Dhexe hortiisa.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu xun yahay falkaas, isla markaana uu ka xaal bixinayo, isagoona xusay in laga daba tagi doono, oo uu aad uga murugoonayo.

“Maanta halkaan waxaa u imid mas’uul ahaan in aan idinla wadaago wixii dhacay shalay oo ah wac xun oo aad looga tiiraanyoodo, waana ka tacsiyadeynayaa imaamkeyga,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu intaas kusii daray “Imaamka waxa ku dhacay keliya asiga kuma dhicin ee anigana waa igu dhacay sababtoo ah imaamka wiilkiisa ahay, waa imatala imaamka, in aad taas ogaatan waaye, cid iga xigtana majirto oo waxaa ahay garabkiisa”.

 Sidoo kale waxa uu caafimaad ilaahay uga baryay odayaashii la socotay ee wax kasoo gaareen rasaastii shalay lagu furay Imaamka Mudullood, xili ay kasoo laabteen gogosha tacsida Jeneral Maxamed Nuur Galaal.

Booqashada Rooble ayaa imaneysa xili ay saaka Guriga Imaamka tageen Musharaxiinta mucaaridka oo iyagu garab istaag u muujiyay Imaamka Mudullood, waxayna u muuqata mid uu tallaabadaas uga jawaabayo.