Odawaa oo sheegay sabab yaab leh oo Farmaajo ‘u amray in la xiro’ jidka Dabka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odawaa) oo ka tirsan Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday ayaa si kulul uga hadlay xiritaanka isgyska Dabka oo ay hay’adaha amniga xireen xalay.

Odawaa wuxuu sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu isgoyska Dabka difaac ka galay, wuxuuna ugu baaqay inuusan cadibaad galin shacabka Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay in Farmaajo looga baahan yahay inuu si nabad ah isaga baxo xarunta looga taliyo dalka maadaama uu wakhtigiisa dhamaaday.

“Markii aad ciidamadaada oo dhan geyso gobolka Gedo, Xamarna aad difaac ka gasho isgoska dabka waa sidaan oo kale,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odawaa.

Isagoo hadalkiis wata ayuu hadana yiri: “Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday waxaan ka codsanayaa inuusan nolosha dadka cadaabin, si fududna Villa Somaliya isaga baneeyo maadaama shaqadiisii afarta sano aheyd ay dhamaaday”

Isgoyska Dabka ayey xalay hay’adaha amniga xireen kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu xoog ku maray bar koontorool oo ku talla halkaas, ka hor inta uusan ku qarxin meel u dhaw isgoyska dabka.

Cabasho badan oo ka timid dadka, sii hayaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku amray in la furo wadada isla markaana shacabka Muqdisho uga mahad celiyay dulqaadkooda.