DF oo war kasoo saartay haweenkii Muqdisho lagu dilay iyo xog laga helayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray saddex haween ah oo maanta lagu dilay dagmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Booliska oo sheegay iney baaritaanno ku wadaan falka dhacay ayaa sidoo kalana haweenka la dilay labo kamid ah saddexdaas dumarka ah ay xaamilo ahaayeen (Uur lahaayeen), isla markaana dilkooda lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Booliska.

Inkastoo aan si rasmi ah wali loo shaacin, hadana ilo ku dhaw dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in haweenkaas la dilay ay ka mid ahaayeen shaqaalaha wasaaradda Gaashaandhigga, gaar ahaan qeybta Nadaafadda.

Dilalka qorsheysan wey kusoo badanayeen Muqdisho, waxaana haweenka la dilay oo saddex ahaa magacyadooda lagu kala sheegay Faadumo, Fartuun & Maymuun halka mid kale ay ka baxsatay.

Haweenka saddexda ah mid ka mid ah ayaa dhaawac looga qaaday goobta, balse isbitaalka ayey ku geeriyootay.