Magacyada xubnaha DF iyo D/Gboleedyada u matalaya SHIRKA oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd magaacabay guddi farsamo oo ka kooban 14 Xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii uu u furmi lahaa shirka uu hore u iclaamiyey madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday, kaasi oo ku mudeysnaa maalinta berri ah ee 15-ka Febraayo.

Guddiga farsmo ee uu magacaabay Rooble ayaa waxay ka kala yimaadeen Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya.

“Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka magacaabista.

Guddigan cusub ayaa waxa qeyb ka ah guddiyo ay soo gudbiyeen madaxda Puntland iyo Jubaland oo iyagu si weyn uga soo horjeeday goobta loo asteeyaya shirkaas, waxaana ugu tun weyn xubnaha maamulaadaas ka yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.

Arrinta ayaa imaneysa xili ay shalay Caasimada Online baahisay xog la xiriirtay Warqada uu maamulada dalka u diray Rooble, taasi oo maamullada loogu sheegay in ugu dambeyn 13-ka bishan, oo xalay ku ekeyd ay soo dirsadaan min 2-qof oo ah guddi farsamo oo ka soo shaqeeya xal u helida qodobada dooda ka taagan tahay ee doorashada Soomaaliya.

Shaqada guddigaan ayaa ah in ay soo diyaariyaan dhowr qodob oo la kala xusho, kuwaas oo ku aadan qodobada muranka dhaliyay ee doorashada Soomaaliya. Xubnaha ayuu qorshuhu yahay in 14-ka bishaan oo ku beegan maanta oo Axad ah ay ku kulmaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Xubnaha guddiga ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.

4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland.

5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.

6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland.

7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.

8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.

9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.

12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.

13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.

14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.