Midowga Musharaxiinta oo banaanbax weyn kaga dhowaaqay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa si adag u dhaleeceyay madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu lix maalmood si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, maadama uu muddo xileedkiisu ka dhamaaday 8-dii Febraayo.

Madaxweyinhii hore ee dalka ayaa ku dhawaaqay in xiligan loo baahan yahay in dalka ka dhacaan banaanbax nabadeed oo shacabka ku dalbanayaan doorasho loo dhan yahay, taasi oo meesha ka saaraysa damaca madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dalkaan ay aheyd inay ka dhacaan doorashooyin, hase yeeshe aysan muuqan ififaalo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ku eedeyay inaysan diyaar u aheyn in xal laga gaaro arrimaha taagan, si uu dalka u aado doorasho, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay dhacayaan banaanbaxyo looga soo horjeedo qorshayaasha ka hor imanaya doorasho wada-ogol ah.

Dhinaca kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isaguna kamid ah musharaxiinta ku bahoobay Golaha Mucaaradka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxa uu ku dhawaaqay Sheekh Shariif uu dhici doono maalinta Jimcaha oo taariikhdu ku beegan tahay 19-ka Febraayo 2021.

Waxa uu sheegay in banaanbaxaas uu ka dhici doono Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasi oo lagu dalbanayo in dalka uu si dhaqso ah ku aado doorasho, isla markaana laga wada-shaqeeyo arrimaha ku hor gudban doorashada.

Si kastaba, dhawaaqan ayaa imanaya xili ay hore u hirgeli waayeen banaanbaxyo ay mucaaradka ku baaqeen, kadib khasaaro ka dhashay kuwo hore u dhacay, hase yeeshe midkan ay maanta shaaciyeen ayaa u muuqda mid ay kusoo bandhigi doonaan cudud dadweyne, kaasi oo u dhici doono qaab nabdoon.