Rooble oo amray in la furo waddo muhiim ah oo xalay ay xireen ciidanka dowladda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’adaha amniga in la furo wadada Dabka oo xalay loo xiray sabab aan la shaacin kadib markii ay saxmad xun ka dhalatay isku socodka dadka iyo gaadiidka goobtaas.

Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku amray hay’adaha amniga in la furo wadadaas, isagoo shacabka Muqdisho uga mahad celiyay dulqaadka ay muujiyaan.

“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda” ayuu qoraalka ku yiri Rooble.

Isagoo sii wata wuxuu yiri: “Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada”

Amarka ra’iisul wasaaraha xilka sii haya ayaa kusoo aadaya xilli saacado ka hor Afhayeenka xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu uu war qoraal ku sheegay in xirnaashaha isgoyska Dabka uu durbo keenay culeys dhanka dhaqdhaqaaqa shacabka ah, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono.

Shalay ayey aheyd markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu si xoog leh ku gudbay bar koontorool oo ku taalla Dabka ka hor inta uusan ku qarxin meel u dhaw isgoyska Sayidka.

Xalay ayey hay’adaha amniga xireen bartamaha Isgoyska iyadoo ay dhib noqotay in laga gudbo, baraha bulshada ayaana aad loogu faafiyay sawiro laga soo qaaday oo tusaale u ah sida ay bulshada ugu dhiban tahay isticmaalka wadadaas.

Shacabka Muqdisho waxey hadda sugayaan sida uu u fulo amarka uu soo rogay ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble, si fiican ayeyna usoo dhaweeyeen iyagoo jawaabo ka dhiibanayaa qoraalkiisa barta Facebook.