Daawo Sawirada Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa goordhow qaboobay Dagaalkii u dhexeeyay Ciidamada Galmudug iyo Puntland, kaasi oo ka socday magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa leysu adeegsaday Hubka culus waxaana ka dhashay Khasaaro aad u xoogan.

Dadka ku dhaawacmay Dagaalka ayaa kor u dhaafaya ilaa 16 ruux, kuwaasi oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah.

Dhimashada ayaa la sheegayaa inay gaareyso ilaa 10-ruux kuwaasi oo u badnaa shacab, kuwaasi oo meydadkooda la dhigay Isbitaalada Waqooyi iyo Kuunfurta magaalada Gaalkacyo.

Xaalada ayaa hadda ah mid degan waxaana la sheegayaa in labada ciidan ay weli yihiin kuwo is horfadhiya.
garsor-1

garsor-3