Daawo Sawirro: Muuqaal cajiib ah oo garoonka Aadan Cadde yeelan doono

Muqdisho (Caasimada online) Shirkada dhawaan lagu warejiyay gacan ku heyta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay soo bandhigtay naqshada qaab dhismeyda garoonka diyaradaha ay ka damacsan tahay inay u dhisto .

Shirkadan oo ah mid laga leeyahay dalka Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa shaacisay in sida ugu dhaqisyaha badan ay dib u dhis balaaran ku sameyn doonto garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Arrintan ayaa timid kadib markii dhawaan si buuxda maareynta Garoonka diyaaradaha Muqdisho loo wakiishalay iyada lagana wareejiyay shirkad fadhigeedu uu aha dalka Koonfur Africa ee SKA .

Waxay soo bandhigtay Sawiro ay ku muujinayso Qaabka uu noqonayo garoonka kuwaas oo u muuqanayay kuwo aad u bilic wanaagsan, wasaaxe laga sugayaa in muddo Sedeed bilood ah ay la timaado is badal muuqdo sida heshiiska dowlada iyo shirkada uu ahaa .

Halkaan hoose ka daawo Sawirada Garoonka Diyaarada Muqdisho

7 1 2 3 4 5 6

Caasimada online

Xafiiska Muqdsho

Caasimada@live.com